Safiirka Somaliland U fadhiya Emaaraadka Baashe Cawil Oo Shirkad Maalgashi kaga Dhawaaqay Dubai, Ujeedooyinka Loo Aas Aasay + Kaalinta Wasiir Sacad Cali Shire. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Safiirka Somaliland U fadhiya Emaaraadka Baashe Cawil Oo Shirkad Maalgashi kaga Dhawaaqay Dubai, Ujeedooyinka Loo Aas Aasay + Kaalinta Wasiir Sacad Cali Shire.
February 9, 2018 - Written by Editor:

DUBAI (W,N) Safiir Ufadhiya Dalka Somaliland Emaaraatka Carabka Baashe Cawil Cumar Ayaa War saxaafadeed Uu Ku Baahiyay Barta Uu Ku leeyahay Xidhiidhka Bulshada ee Facebookga Wuxu ku shaaciyay shirkad maalgashiga oo Somaliland leedahay,

BAASHE AWIL

HALKAN KAGA BOGO WAR SAXAAFADEED SAFIIRKA .MAGACA SHIRKADA IYO DOORKA UU KU LEEYAHAY WASIIRKA ARIMAHA DIBADA SOMALILAND IYO LINK BOGA SHIRKADA;

https://www.difc.ae/public-register/somaliland-investment-company-limited

Warsaxaafadeed

Taariikh 08.02.2018

Maanta oo taariikhdu tahay 8 February, 2018- waxa sharif weyn u ah dalka iyo dadka reer Somaliland in diiwaangalin sharci ah loo sameeyay Shirkada maalgasgiga Somaliland (Somaliland Investment Company), iyadoo laga diiwaangaliyay Sayladda Suuqa Dhaqaalaha Caalamiga ah ee Dubai (Dubai International Financial Center DIFC).

Diiwaangalinta oo waafaqsan shuruucda ganacsiga ee Boqortooyada Ingiriiska.

Shirkadani waxay indhaha caalamka kusoo jeedin doontaa maalgashiga Jamhuuriyada Somaliland, waxaanay meesha ka sari doontaa caqabadihii horyaallay maalgashiga dalka, isla markaana waxay fududeyn doonta galista heshiisyada maalgashiga iyo ganacsiga ka dhexeeya Somaliland iyo caalamka intiisa kale. Sidoo kale waxay sahli doontaa shirkadani hawlaha bangiyada la macaamilkooda caalamiga ah, maalgashiga gaarka ah iyo ka saamiyleydaba. Waxaana fududeyn doontaa hawlaha xisaab furashada akoonadda, dekadda Berbera iyo free zone-ba

Waana Illaahay mahadii in ay caqabado badan oo aqoonsi la’aantu keenaysay oo dhinaca ganacsiga iyo maalgashigu meesha ka bixi doonaan, taasi oo wax weyn ka taro doonta kobaca iyo horumarka dhaqaalaha dalka Jamhuuriyada Somaliland.

 

Allaah Mahad leh

Bashe Awil Omar

Safiirka Somaliland ee UAE;

https://www.difc.ae/public-register/somaliland-investment-company-limited

 

COMMENTS
LINKS