Qaraxyo Xoogan Oo Caawa ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha Dhimasho iyo Dhaawac Ee Uu Sobobay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaraxyo Xoogan Oo Caawa ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha Dhimasho iyo Dhaawac Ee Uu Sobobay.
February 23, 2018 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)  Qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa Wali cakiran kaddib Qaraxyo Iyo is rasaaseyn  Xoogan oo caawa maqribnimadii  laga maqlayay gudaha  magaalada  weerar kaasi oo ay geysteen kooxo hubeysan.

Ilaa hada ayaa waxaa la xaqiijinayaan in ay ku dhinteen  18 ruux  Qaraxan ayaa  ka dhacay KM-0 halka 20 kalana ay ku dhaawacmeen, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen shaqaalaha gadiidka gurmadka deg deg ah oo goobta tagay.

Laakiin dhinaca agagaarka madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan isgoyska Siyadka oo iska horimaad culus uu ku dhaxmarey ciidmada dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan lama oga khasaaraha ka dhashay, madaama aysan awoodin shaqaalaha caafimaadka in ay tagaan.

Wararka kasoo  sheegaya iska horimaadka ka dhacay Agagaarka Madaxtooyada uu sababay khasaare dhimasho oo soo kala gaadhay dhinacyadii iska horimaadku dhaxmaray.

Al-shabaab ayaa durbaba sheegtay mas’uuliyada weerarkan iyaga oo intaa ku daray in dabley iyaga ka tirsan wali ku sugan yihiin agagaarka halka lagu dagaalamayo.

 

COMMENTS
LINKS