Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujisay Xiisadda U Dhaxaysa Israa’iil Iyo Suuriya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujisay Xiisadda U Dhaxaysa Israa’iil Iyo Suuriya
February 11, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo joojiyo xiisadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Suuriya.

 

Mr Guterres ayaa sheegay in si dhaw uu ula socdo xiisadda militari ee sii kordhaysa ee labada dhinac u dhaxaysa.

Militariga Israa’iil ayaa waxay ku tilmaameen duqaymihi ay ka fuliyeen gudaha Suuriya ay ahaayeen duqaymihii ugu waynaa oo noocooda ah ee 30 sano ee ugu dambeeyay ay fuliyaan.

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa sheegay in duqaymaha inta badan lala bartilmaameedsaday goobo u dhaw caasimada Dimishiq.

Mr Conricus ayaa sheegay in bartilmaameedkoodu uu ahaa oo kali ah saldhigyo militari.

Raisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dhankiisa ku eedeeyya Iiraan in ay ku soo xadgudubtay hawada Israa’iil.

Mr Netanyahu ayaa xusay in Iiraan iyada oo isticmaalaysa dhulka Suuriya ay weerar ku soo qaadayso Israa’iil.

Weerarada militariga Israa’iil ay ka fuliyeen gudaha Israa’iil ayaa ka dambeeyay ka dib markii diyaarad militari oo ay Israa’iil leedahay la soo riday.

Diyaaradan Israa’iil ayaa ku burburtay gudaha Israa’iil ka dib markii lidka diyaaradaha ay la beegsateen militariga Suuriya.

Mareykanka iyo Ruushka ayaa waxay muujiyeen sida ay uga walaacsan yihiin xiisadda sii kordhaysa ee labada dhinac u dhaxaysa.

 

COMMENTS
LINKS