|
|||||
WAJAALE NEWS
Nin u dhashay dalka ruushka oo lagu edeeyay doorashadii dalka maraykanka.
February 17, 2018 - Written by Wariye:Hargeisa(wjn):-Madaxa baaritaanada farogelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii ka dhacday Mareykanka, Robert Mueller ayaa saddex iyo toban qof oo u dhashay dalka Ruushka ku eedeyay inay ku lug lahaayeen farogelinta Ruushka uu ku sameeyay doorashadii ka Mareykanka. Sidoo kale dhowr shirkadood oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa iyaguna lagu eedeyay inay qeyb ka ahayeen farogelinta Ruushka, waxaana shirkadahaasi kamid ah wakaaladda cilmibaarista internet-ka ee fadhigeedu yahay magaalada St Petersburg ee Ruushka. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa dhankiisa beeniyay inuu wax xiriir ah ka dhaxeeyay kooxdiisii ololaha doorashada iyo Ruushka, balse waxaa Trump soo dhaweeyay eedaha dambi ee uu Robert Mueller usoo jeediyay muwaadiniin Ruush ah. Dacwad oogayaasha ayaa intaa ku daray in faragelinta oo bilaabatay bishii May ee sannadkii 2014 lagu doonayay in lagu waxyeeleeyo nidaamka siyaasadeed ee waddanka Mareykanka. Mr Trump ayaa waxaa kale oo uu sheegay in faragelintaasi aysan wax saameyn ah ku yeelan doorashada.
Hargeisa Office Wajaalenews.net Wariye:AbdulkadirHabane
Related posts:Warbixin Daboolka Ka Qaaday Adeegyada Caafimaad Ee Deegaanada Gobolka Gabiley Iyo Sida Wasaarada Caa... Kiiska Ganacsade Ina Geele Arab Yaa Ka Dhibane Ah, Ma Qaranka Jabuuti, Mise Qoyska Madaxwaynaha? TPLF Oo Ka Hadashay Dagaalo Ay Maalmihii Udanbeeyay Kula Jireen Dawlada Itoobiya, Kuna Hanjabay Qabs... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|