Maxaa Ka Jira In Qabrigii Caroweelo In Ay Ragu Dhagax Ku Tuuraan Dumarkuna Ay Ubaxyo dhigaan!
February 5, 2018 - Written by Reporter:
Hargaysa (W,N):-Sheekada Caroweelo oo ah mid caan ka ah Soomaalida dhexdeeda ayaa Waxaa jirta goob ku taala meel u dhow magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, halkaas oo dadka deegaanka ay u aqoonsanyihiin in ay tahay qabrigii Caroweelo.
Waxaa caado ah in ragga halkaasi maraya uu qofkiiba hal dhagax ku tuuro meeshaas, halka dumarku ay ubax ama caleemo qoyan saaraan goobta.