Maxaa helay go’aankii dowladda ee ahaa in aan caddaan dambe beeyada loo geyn?. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa helay go’aankii dowladda ee ahaa in aan caddaan dambe beeyada loo geyn?.
February 26, 2018 - Written by Wariye:

dhankeeWaxaa hore dowladdii Somaliland joojisay in ay dalka soo galaan dadyowga caddaanka ah ee gacan-saarka la leh sharikadaha beeyada ka ganacsada ee Asli Maydi iyo Somgum oo ay leeyihiin rag ood-wadaag ah oo kazoo jeeda deegaanka galbeedka gobolka sanaag, haddaba Anganette DeCarlo mar labaad ayay dib ugu soo laabatay waddanka iyada iyo koox ay hoggaaminayso oo uu hor-kacayo Barkhad Jibriil Xasan, mulkiilaha sharikadda Asli Maydi.

 

Shirkadan Asli Maydi ayaa wax-soosaarkeeda waxa inta badan uu ku kooban yahay saliidaha la marsado (natural oil) , dhaashiyada (creams), saabuunaha (soap), shaambooyada (shampoo) iyo cadarrada (fragrance).

 

Waxa mudooyinkan ugu dambeeya muran culus ka taagnan yahay nidaamnka wax soo saarka ee shirkada Asli Maydi oo lagu tilaamay in uu yahay mid si khaldan dalka looga sharciyeeyay isla markaana ay dhoofiso qaybo kala duwan oo daroogada ah.

 

Haddaba waxa jirta xog sheegaysa in mashruuc boqollaal milyan oo doollar (Hundreds of millions of dollars) ah ay kasoo qaateen haayadaha ka shaqeeya ilaalinta deegaanka, qolyo maafiyo ah iyo bangiga adduunka.

 

decarlo

Dadka beeyaysatada ah ee ku dhaqan buuraleyda gobolka snaaag waa kuwo ka qatan xuquuqdii muwaadinnimo ee Somaliland taasi oo ay sabab u tahay maamulka dowladinimo oo aan halkaa si dhammaystiran u wada gaadhin, ama hadii aan si kale u idhaahdo dowladda oo aan burco bariga u dhaafin,

 

balse taa waxa u sii dheer hantida keli ah ee ilaahay ku uumay arligooda oo qolyo ay isku hayb yihiin uga faa’iidaysanayaan iyaga oo lacag yar kaga iibsanaya, dabadeedna malaayiin doolar dib ugaga iibinaya wershadaha waaweyn ee caalamka.

 

beeyada

Waa run, wax dan ah kuma qabaan, hanti iyo lacag ku filan lagama siisto beeyaysatada, dayac iyo darxumo kagama ba’do oo kuma jahli baxaan, aabbaha iyo wiilkiisu waa labo isku mid ah oo aan waxba is dhaamin,

Haddaba waxa is weydiintu tahay go’aankii dowladdu  kaga mamnuucday barkhadna hore loogu diiday in uu gabadhan keeno waddanka maadaama oo imaanshaheedii hore uu muran badani ka dhashay ma wax baa iska beddelay? Mise dowladdu way ku raacsan tahay oo waa la laaluushay?

 

Qalinkii Suxufi Maxamed Cali Saalax (maax)

 

 

 

COMMENTS
LINKS