Marooko Iyo Nigeria Oo Maanta Ku Tartamaya Finalka Koobka Qaramada Kubada Cagta Qaraada Afrika Ee ChAN | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Marooko Iyo Nigeria Oo Maanta Ku Tartamaya Finalka Koobka Qaramada Kubada Cagta Qaraada Afrika Ee ChAN
February 4, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N):-Koobka Qaramada kubadda cagta ee qaaradda Afrika ee CHAN ayaa maanta magaca laga badeli doonaa kaddib marka ay maanta fiinaalka ku kulmaan Marooko oo tartankaasi martigelinaysa iyo xulka Nigeria.

 

_99878331_681f1589-6541-4e6b-ab01-e82a9b27812c

Xulka Nigeria ayaa doonaya inuu noqdo dalkii ugu horreeyay ee ka soo jeeda galbeedka Afrika oo koobkan ku guulaysta, hasayeeshee waa inay ka adkaadaan kooxda sida wanaagsan u dheesha ee Marooko kuwaas oo weliba haysta taageero aad u badan.
Tababaraha kooxda Marooko Jamal Sellami ayaa sheegay in Achraf Bencharki iyo Jawad El Yamiq ay dheeli karaan kaddib markii ciyaartoydaasi intii uu tartankaasi socday ay iibsadeen kooxo dibadda ah, tartankan ayaa waxaa loogu talagalay inay ka qeybqaataan ciyaartoyda ka ciyaarta gudaha qaaradda Afrika.
Sikastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka garabka uga Ciyaara ee Abelilah Hafidi ayaa fiinaalka ka maqnaan doona kaddib markii uu dhaawac soo gaadhay.
Nigeria ayaa waxaa iyana ka maqnaan doona saddex ciyaartoy oo uu dhaawac soo gaadhay, kuwaas oo kala ah goolhaye Ikechukwu Ezenwa, Sunday Faleye iyo Daniel James, halka ciyaaryahan Ifeanyi Ifeanyi uu ganaax ku maqnaan doono kaddib markii kaadhka cas loo taagay ciyaartii nus dhammaadka ay la Ciyaareen xulka Sudan.
Qaab ciyaareedka labada kooxood ayaa isku mid ah oo mar qudha ayey barbaro galeen halka afarta ciyaar ee kalana ay badiyeen, sidoo kalana hal ciyaar ayuu xul walba guul gaadhay kaddib markii ciyaarta lagu daray wakhtiga dheeriga ah.

COMMENTS
LINKS