Madaxweynihii Koonfur Africa Jacob Zuma Oo Goordhawayd Is Casiley | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynihii Koonfur Africa Jacob Zuma Oo Goordhawayd Is Casiley
February 14, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N) – Waxaa xilkii madaweynaha dalka Koonfur Africa iska casilay Jacob Zuma oo muddo dheerba uu saarnaa cadaadis arintan ku saabsan oo uga imanayay xisbigiisa.

2018214636542218706881786849x493q70Merten-shuffle

Madaxweyne Zuma ayaa la sheegay in uu dhexda uga jiray fadeexad musuq maasuq, mar uu Arbacadii ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalkaasi ayaa waxa uu sheegay in uusan sameynin wax khalad ah, ayna jirin sabab uu xilka uga dego.

Xisbiga ANC ayaa hore u sheegay in haddii Mr Zuma uu ku guuldarreysto inuu iskii isaga dhiibo xilka si khasab ah xafiiska looga saari doono oo baarlamaanka uu maalinta Khamiista ah u qaadi doono in lagala laabto codka kalsoonida.

COMMENTS
LINKS