|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Iyo Ergeyga Xoghayaha QM Oo Ka Wada Hadlay Mashruuca JPLG
February 19, 2018 - Written by Reporter:Hargyesa (W,N):- Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kulan gaara la qaatay Wefti ballaadhan oo ka socday qaramada midoobay oo uu hoggaaminayey ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Qaramada Midoobay, ahna isu-duwaha Arrimha Gargaarka Binu’aadanimada, una qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Peter de Clercq.
Kulankaasi gaarka ah waxa lagaga wada hadlay sidii loo dardar gelinlahaa mashruuca maamul daadejinta dawladaha hoose ee JPLG, diiradana loogu saari lahaa diyarinta qorshaha shanta sanno ee soo socda oo ay kaw ka tahay sidii loo heli lahaa dhaqaale ku filan Somaliland, iyadoo dawladduna diyaar ay u tahay qaybtinta mashruuca, isla markaana kordhisay qaybteedii ahayd 17% imikana ay ka dhigtay 21%. Waxa kale oo laga wada hadlay sidii qorshaha shanta sanno loogu fulin lahaa mashruucan saddex iyo labaatanka (23) degmo doorasho ee dalka, iyadoo mudnaanta koowaad la siin doono gobolada barriga Somaliland. Ugu danbayn kulankaasi waxa lagu lafo-guray sidii loo heli lahaa kaalmadii ku aadanayd barmaamijkaasi maamul daadejinta dawlahada hoose ee JPLG, waxaanu ku xigeenka ergeygu balan qaaday inay dedaal muuqda ka geysanayaan dhinacooda. Related posts:DAAWO; Waraysi Xiiso Leh Oo Dhamaytiran Lala Yeeshay Oradyahanka Reer Somaliland Mo Faarax Oo Su'aa... Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Terminal-ka Gaasta Ee Shirkadda SOMGAS Iyo Qiimo Dhimis ... DAAWO ;Warbaahinta Carabta Iyo Sidii May Uqaadaan Dhigeen mudaaharaadkii Llondon Ee Safaarada Emaraa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|