Madaxweyne Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo La Kulmay Wefti Ka Socda Dalka Norway. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo La Kulmay Wefti Ka Socda Dalka Norway.
February 25, 2018 - Written by Wariye:

Hargeysa-25-02-2018-()-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hoggaaminayey, ergeyga gaarka ah ee Norway u qaabilsan dalalka  Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Webjorn Heines.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagaga wada hadlay sidii dalka Norway uu qayb uga qaadan lahaa kana taageeri lahaa Somaliland, arrimaha maalgashiga, doorashooyinka wakiillada, iyo goleyaasha degaanka, sidii ay Norway u kordhin lahayd dhaqaalaha kaga qaybgasho sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Somaliland ee (SDF) iyo sidii ay qayb uga qaadan lahayd hirgelinta qorshaha  labaad ee horumarinta Somaliland (NDPII) ee shanta sano ee soo socota.

IMG_0000 IMG_0001 IMG_0002

Waxa kale oo laga wada hadlay sidii loo horumarin lahaa mashruuca maamul daadejinta dawladaha hoose ee  horumarinta dhaqaalaha dalka, iyo sidii looga wada shaqayn lahaa xoojinta caddaalada, iyada oo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliy-na la isla soo qaaday.

Ergayga Norway u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Webjorn Heines, ayaa dhankiisa ballan qaaday inay dawladdiisu diyaar la tahay fulinta waxyaabaha ay labada dhinac ka wada-hadleen, isla markaana ay kor u qaadi doonaan xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo dalka Norway.

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Hargeisa Office

Wajaalenews.net

Wariye Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS