|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wefti Ka Socda Dawladda Ingiriiska.
February 7, 2018 - Written by Editor:Hargeysa-(W,N)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Amb. David Concar oo ay wehelinayaan Madaxa u fadhiya xafiiska Ingiriisku ku leeyahay Somaliland, Madaxa Hay’adda Ingiriiska u qaabilsan deeqaha dibadda ee DFID, saraakiil kale oo arrimaha militeriga iyo mucaawimooyinka dibadda u qaabilsan. Waxaana kulankaasi si gaar ah diiradda loogu saaray, sidii Somaliland ay gaar ugu heli lahayd deeqaha ay ka hesho dunida, gaar ahaan Ingiriiska, si ay qayb uga noqdaan gurmadka abaaraha soo cusboonaaday, iyada oo sidoo kale waxa kulankaa lagaga wada hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa wejiga labaad ee sanduuqa horumarinta deeqaha ay Somaliland ka hesho dalalka Denmark, Britain iyo Norwey, waxaanay madaxda dawladda Ingiriiska ee kulankan ka qayb-gashay ballan qaadeen maanta in ay ka Ingiriis ahaan ku shubayaan sanduuqa horumarinta Somalilnad (Somaliland Development Fund) lacag dhan 25-Milyan (shan iyo labaatan milyan) oo dollar. Sidoo kale waxa shirkaasi lagu soo qaaday mashaariicaha kala duwan ee Somaliland ay u soo mariyaan ingiriisku Hay’addaha Qaramada midoobay, Baanka adduunka iyo kuwa caalamiga ah ee wax lagaga qabto arrimaha caafimaadka, waxbarashada iyo dib-u-habaynta cashuur-ururinta, tababarada ciidamada Booliska iyo dib-u-habaynta garsoorka iyo Maxkamadaha dalka. Xubnaha Madaxweynaha ku wehelinaayey Kulanku waxay kala ahaayeen:-
Dhinaca Weftiguna waxay ka koobnaayeen
Related posts:Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargaysa Oo Geel Tiro Badan Ka Saartay Magaalada Iyo Fariinta Ay Udireen... UJEEDADA; Kullan Warbaahinta Somaliland Ku Yeelatay Hargeysa Oo Ay Kaga Tashadeen Shirkadda TELESOM... HALKAN KA DAAWO: MADAXWAYNE SILAANYO OO XADHIGA KA JARAY IDAACADA RADIO HARGAISA OO LAGU DARAY QAYBT... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|