Madaxweynaha JSL Oo Kulan Ia Qaatay Maxkamada Sare Iyo Bahda Garsoorka Somaliland+Sawirro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha JSL Oo Kulan Ia Qaatay Maxkamada Sare Iyo Bahda Garsoorka Somaliland+Sawirro
February 20, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (W,N):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan muhiima la qaatay hoggaanka Maxkamadda sare iyo xubno kamid ah bahda Garsoorka Somaliland.

27972855_1564591763654671_3995186910378224522_n

Kulankan madaxweynuhu la qaatay maxkamadda sare iyo bahda garsoorka ayaa ah kii u horeeyey ee ay madaxweynaha ugu yimaadaan intii uu xilka la wareegay madaxweynuhu, waxaana laga wada hadlay oo mudnaanta koowaad la saaray sida ay u socoto hawsha maxkmadda sare iyo bahda garsoorka Somaliland.

Waxa kale oo kulanka lagaga wada hadlay muhiimadda iyo mudnaanta ay leedahay maxkamadda sare iyo doorka ay ka qaadato hawlaha qaranka ee ay hayso, waxaanay madaxweynaha u soo jeediyeen xeerar dhawr ah oo baahi gaar ah u qabtaan inuu wax kala qabto, kuwaas oo kala ah:

– Xeerka xuquuqda garsoorka
– Xeerka Nidaamka garsoorka
– Xeerka Maxkamadda sare

Waxa kale oo lagu soo qaaday kulanka arrinta fulinta xukunnada ay fuliso maxkamaddu sidii loo dhaqan gelin lahaa, waxa sidoo kale laga wada hadlay sidii loo kordhin lahaa Bajadka, mushahaarooyinka maxkamadda sare, gaar ahaan iyo bahda garsoorka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Biixi waxa uu soo dhaweeyey kuna ammaanay, kuna hambalyeeyey shaqada maxkamadda sare iyo bahda garsoorku u hayaan qaranka iyo shacbigiisa, waxaanu ku sii adkeeyey inay halkaa ka sii wadaan hawlaha qaran ee ay hayaan, waxaanu u sheegay inuu ku qanacsan yahay sida ay u gudanayaan waajibaadkooda shaqo.

Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu u muujiyey taageero buuxda bahda garsoorka, isagoo u ballan qaaday inuu gacan weyn ka geysan doono guud ahaan arrimaha garsoorka iyo caddaaladda, ha noqoto wixii kulanka lagaga wada hadlay ama wixii ka baxsanba, xukuumaddana ay ka go’an tahay tayeynta iyo kor u qaadida nidaamka garsoorka iyo caddaaladda, Isagoo mar kale ku dhiirrigeliyey inay doorka muuqda ee ay hayaan sii xoojiyaan, siina libin laabaan oo halkaa ka sii wadaan hawlaha qaranka.

 

 

27972855_1564591763654671_3995186910378224522_n 28055800_1564591753654672_4453355751698948272_n 28056547_1564591573654690_3471834150440531234_n 28166790_1564591576988023_7436639302738726936_n 27972530_1564591730321341_8490735365907989582_n

COMMENTS
LINKS