Madaxwaynaha Jsl Oo Xil U magacaabay Masuulkii Uhoreeyay Ee Ka Tirsan Xisbiga Wadani Iyo Mansabka Loo Dhiibay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Xil U magacaabay Masuulkii Uhoreeyay Ee Ka Tirsan Xisbiga Wadani Iyo Mansabka Loo Dhiibay!
February 23, 2018 - Written by Editor:

DAAWO; Muuqaalka Masuulkan Madaxwayne Muuse Biixi Xilka Umagacaabay Oo ka Hadlaya  Sobobaha Uu Ugu Biiray  Xisbiga Mucaaridka ah Ee  Wadani,

 HARGASYA (W,N) Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Ayaa Maalintii Shalay Ahayd Wuxuu Wareegto Madaxwayne Madaxwayne Ku Magacaabay Masuuliyiin Cusub Oo kamid ah xukuumadiisa kuwaasi oo ka koobnaa sagaal masuul,

Madaxwayne Muuse Biixi ayaa dhanka kale Waxaa Magacaabistiisa ka Dhex Muuqday Masuul kamid ahaa Xisbia Mucaaridka ah Ee Wadani kaasi Oo ahaa Gudoomiyihii urur Beeleedka Afgarad Kana mid ahaa Masuuliyiinta Sare Sare Ee Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani.

MADAXWAYNE MUUSE BIIXI

masuulka wadani

Wareegto kasoo baxay Xafiiska Madaxwayne Muuse Biixi ayaa wuxuu Xil Cusub Ugu Magacaabay In Maxamed Warsame Ducaale Maaanta laga Bilaabo uu ahaado Ergayga Gaarka ah Ee u Qaabilsan Somaliland Qaramada Midoobay,

Xilka oo ah mid cusub Isla markaana leh Miisaankiisa ayaa bulshada Somaliland Waxay Iswadaydiinaysaa Ujeedada ka danbaysa magacaabistan Masuulka katirsaa xisbiga mucaaridka ah ee Wadani xili ay Wali xilal madaxwaynaha ka Naawilayaan Xubnihii keenay Guusha Xisbiga Gaadhay oo wali Badi Dabada ka Jooga Xukuumada Madaxwaynuhu Soo Magacaabay.

Dhanka kale Xisbiga Wadani ayaan Gabi ahaanba ka Hadal Masuulka Katirsanaa Ee xilka looga Magacaabay Xukuumada kulmiye.

DAAWO MUUQAALKA MASUULKAN MADAXWAYNE MUUSE BIIXI MAGACAABAY OO KA HADLAYA  SOBOBAHA UU UGU BIIRAY

 XISBIGA WADANI,

COMMENTS
LINKS