|
|||||
WAJAALE NEWS
Maareeyaha Guud Ee DP World Sultan Axmed Bin Sulayem Oo Ereyo Anshaxa Ka Baxsan Ku Weeraray Shacabka Reer Jabuuti, Kadib Go,aankii Dawlada .
February 25, 2018 - Written by Editor:“Dadka Reer Jabuuti Waxaanu ka Dhignay ‘Bashar’Balse Waxaanu ku Celin Waxay Ahaayeen”Sultan Axmed Bin Selayem,DUBAI (W,N) Maareeyaha guud Ee dekedaha Dp World Sultan Ahmed Bin Sulayem, Ayaa Ereyo Anshaxa ka Baxsay ku Weeraray Dadka Reer Jabuuti Mar Uu Waraysi Siinayay Televisionka Caalamiga ah ee Aljazeera, Kaasi Oo Uu kaga Jawaabayay Go,aankii Dawlada Jabuuti Ay ku Laashay Heshiiskii ay Kula Jirtay Shirkada Maamusha Dekedaha Ee Dp World , Hadalkan ka Soo Yeedhay Maamulaha Guud Dekedaha Ay Maamusho Amaba ay Gacanta ku Hayso Shirkada Dubai Port World Sultan Axmed Bin Sulayem ayaa noqonaya Mid si Dhow Usaamaynaya Bulshada Reer Jabuuti iyo kuwa Somaliland oo Wadagaa Mid Dhaqan Dhaqaale , Hayb Iyo dabcan Wadaganaanshaha Labada Dal Hadal kasoo Yeedhay Maamulaha Dekedaha Shirkada Dp World Ayaa Udhignaa Sidan “Dadka Reer Jabuuti Waxaanu ka Dhignay “Bashar”,Balse Waxaanu ku Celin Waxay Ahaayeen”Suldaan Axmed Bin Selayem Dhanka kale Shirkada Dp World ayaa waxay Sanadihii Ugu Danbeeyay Heshiish la Gashay Jamhuuriyada somaliland kaasi Oo ay kula Wareegtay Gacan ku Haynta marsada Caalamiga ah Berbera Mudo 25 sano ah Balse Wali Aanay Waxba ka Qaban. Go,aanka ay Dawlada jabuuti kaga Baxday heshiiskii ay kula jirtay Shirkada Dp World Iyo Hadalka kasoo Yeedhay Masuul Kamida kuwa ugu Sareeya maamulka dekedaha Dp World maamusha, ayaa Noqonaya mid Saamayn culus ku yeelan kara Heshiiska Bilowga ah Ee ay Galeen Somaliland iyadoo ay Suurto Gal Tahay Marka la qiimeeyo habdhaqankooda iyo ereyada kasoo baxaya in Xukuumada Somaliland Dib u Eegis Deg Deg Ah ku Samayso Heshiiska Dp world, iyadoo lala xidhiidhin karo hab dhaqanka madaxda shirkada Qiyaasta Inta la Aamino karo Mustaqbalka Dhaw,
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Wada-hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya oo La Filayo Inay Toddobaadka soo Socda ka Furmaya DUBAI Shirkadda Telesom Oo Daah-furtay Adeegga Cusub Ee WAAFI Iyo Masuuliyiin Xukuumada Katirsan Oo Ka Qay... Warshada IDIL Oo Siwayn Uga Dhex Muuqatay Bandhigii Carwada Warshadaha Dalka Iyo Qiimo Dhimis Ay Ku ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|