|
|||||
WAJAALE NEWS
Maansada Cabdiqays Ee Naadirka ah Waxa ka Mid ah Heestan “Soo Dhalo Hooyo” Uu ku Tilmaamayo Dhibaatada Afrika! Cali Guray
February 19, 2018 - Written by Editor:Maansada Cabdiqays ee naadirka ah waxa ka mid ah heestan “Soo Dhalo Hooyo” uu ku tilmaamayo dhibaatada Afrika ee dagaalada inta ku dhimata, ku dhaawacanta, ku barkacda ee ka qaxda ay dadka rayidka ahi ugu badan yihiin ee waliba tacdiga iyo dambiyada laga galo bani aadmigu ay u dheer yihiin. Waa markii uu qaxoontiga Yurub uu ku tegay Afrika oo dhamina tahriibka qaaradda Yurub habqanku is daba joogay ee afrikaanku neceen dalaalkoodii iyo qaaradiiba. Marka aad u fiirsatid maansada Cabdiqays ee naadirka ah waxad qiraysaa in abwaanku uu yahay fanaan isu dhan oo si walba u fanaan ah oo weliba aad odhan kartid waa abwaan faylasuuf ah Bal u fiirso ilmaha aan weli ifka u soo bixin sida uu u garnaqsanayo isaga oo diidan inu ku dhasho dhulkii hooyadii iyo gubi ahaanba qaaradda Afrika. Oo u eeg xaaladda dhanta ah ee ka taagan Afrika oo dadkeedii oo dhami ay ku hamiyayaan inay iskaga haajiraan oo Yurub iyo Maraykan u beegsadaan SOO DHALO HOOO Ha dhibin hooyadaaye Soo dhalo Meel dhallaanka lagu dilo Ku dhalan mayo Meel cidi I dhawrayn Ku dhalan mayo Soo dhalo hooyo Dhiigga iyo colaadaha Ku dhalan maayo Dagaallada dhexdiina Ku dhalan maayo Soo dhalo hooyo Dhalan maayo Anigu dhalanteed Ku dhalan maayo Soo dhalo hooyo Afrikaba dhammaanteed Ku dhalan maayo Dhibbaa ii kordheysoo�Ku dhalan may Soo dhalo hooyo Ku dhalan maayo Dhagartiyo waxyeellada Ku dhalan maayo Anigu dhalanteed Ku dhalan maayo Habeenkii wuu dhaqaaqay Sadkaagii wuu dhamaaday Dhexdeediyo feedhaheeda Haddaad soo dhaafi weydo Culayskaagaa dhibaayoo Dhimasho kama baaqsanaysee Dhammow waxa nala wanaagsan Inay dhakhso kala timaaddee Ha dhibin hooyadaaye Soo dhalo Meel dhallaanka lagu dilo Ku dhalan maayo Meel cidi I dhawrayn Ku dhalan maayo Soo dhalo hooyo Afrikaba dhammaanteed Ku dhalan maayo Dhibbaa ii kordhaysoo Ku dhalan maayo Soo dhalo hooyo Dhalan maayo Anigu dhalanteed Ku dhalan mayo. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|