Lacagta Digitalka ah Iyo Saamaynta Dhaqaalaha S/land! Qalinkii; Mohamed Obolos | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Lacagta Digitalka ah Iyo Saamaynta Dhaqaalaha S/land! Qalinkii; Mohamed Obolos
February 27, 2018 - Written by Editor:

Xadaynta ZAAD & E-DAHAB  Tallaabo Togan!!

Waa wajibka kobaad  In Bangiga Dhexe Xaddido Xaddiga Lacageed Wareegi Doono Hawada (Digital Money). Si Loo Ogaan Karo Xogta lacageed ee Suuqa Ku ku Jirta. (CASH & CASH EQIUVILANT SUPPLY).

Sharcigee Ayaa Ogolaaday

Samaysiga Lacag Ka Madax banaan Ta Ay dawluddu Ka Masuul Tahay?

Aduunka Wali laguma Maqal Sababtuna Waa Dhaqaalaha Iyo Maamulkiisa Dawladbaa loo samaystaa. Waxyar caqli iyo damiir fayow ku Miisaan. Daabacada lacag waxa lagu saleeyaa.

maxamed-obolos

Actual National Reserve, Ma Naqaano Bangigeenna Dhexe ok ay shaqadiisa tahayna wali xaggaas uma kicin, Haddaba Sahaala ayay ahayd oo Maalinba Jaajuur ayaynu saaraynay dhismaha dalkan. Waxa Meeshaas inagu banaanaadayy daaqad wayn Oo Tuugtu kala Baxaan Hantida Guurtada ahee qaranka.

ZAAD IYO E DAHAB

$100 Jeebkaaga ku Jiraa Waa Lacag hadaad dalka joogto Iyo Hadaad ka baxdaba

Bal Farriintan USSD codeka kasoo baxday Wajaale dhinaca shishe shaah hakaaga Jarto.. Waa waxaan dhicin

.Maaha  Markii ugu horraysay ee Sixir Barar laxaad lihi ku habsado suuqa ganacsi ee isku badalka shillinka Somaliland iyo Dollarka Markaykanka oo ah lacagta aynu wax kaga soo iibsanno dunida isla markaana ay ku salaysantahay Ascaarta ama qiimaha badeecadaha loo iib keeno suuqyadeenna ganacsiga, Waxaynu ognahay in aynu  qaran madax banaan ahayn 26kii sanno ee u dambeeyey, 23 sanno oo ka mid ahna (from 1994) aynu isticmaalaynay lacag aynu leenahay oo shiling somaliland ah. Isla sannadkaas lacagta lasoo daabacay ayaa dadku ku baraarugay Sixir barar iyo qiimihii alaabta lakala iibsanayo oo is qaban la’a iyo miisaan la’aan Sarrifka lacagta ah Maadaama Nidaam sharci oo ah maamulidda iyo xaddidka dhaqaaqa lacagtu muu jirin hayaddii qaban lahayd ee samayn lahayd oo ah Bangi dhexe Muu  awood uu ku qabto hawshaas iyo in la dajiyo nidaamkaas sharci Banking legislation and Money Supply policy, waxay dawladdu awoodda saaraysay abuurista lugo adag oo qaranku isku taago oo ay  ka mid ahaayeen

Amniga, Caafimaadka, Waxbarashada aasaasiga ah. waxa gacanta ku Qabtay oo Cidlo ka helay suuqii ganacsiga lacagaha iyo guud ahaan wax iibinta iyo soo iibiintaba ashkhaas iyo ganacsato markaas iyagu lahaa awoodda dhaqaale ee la odhan karo way ugu sareeyeen. Taasoo inna dhaxal siisay nidaam jeebka ugu shubay dhaqaalahii waddanku lahaa in gaar ah oo iyagu haga sarrifka lacagta, jaan goynta qiimaha suuqa  ganacsiga iyo wixii hoos yimaadaba. Ganacsatadasi iyagaa qiimaha shilin somalilandku ka yahay dollarka markasta sar gooyo iyagoo u eegaya hadba hadba xadiga iyo nooca lacag ee ay haystaan maalintaas.

Hadaba Sidee Dal lacag u dariiqeese ay u xaddidaan sabbaynta ascaarta suuqyadeeda ganacsi iyadoo u eegaysa muwaadiniintu haystaan iyo baahida ay u qabaan isticmaalka warqad ama lacag ay ku badashaan hadba agabka noloshoodu u baahato. waa Intee Xaddiga lacageed ee waddan u baahanyahay inuu soo daabacdo, Muxuu yahay Halbeegga sheegaya tiro ahaan waraaqaha dalku u baahanyahay ama guud ahaan ganacsiga waddanku

 

  1. Country Reserve Evaluation ( Qiimay sax ah oo lagu sameeyo dhaqaalaha waddanku intuu leegyahay marka la eego khayraad dabiici ah oo waddanku leeyahay isla markaa gali kara ganacsi mid gudaha ah ama mid dibadda ay u dhoofiyaan si dhaqaale uga soo galo, xaddiga socodka wax kala iibsi ee dalka iyo kuwa calamka ka dhaxeeya iyo ha ahaato adeeg dalku iiibiyo sida laydh ama biyo ay ka iibiyiin waddamo xidhidh ganacsi ka dhaxeeyo Iyo qodobbo kale oo ay ka mid tahay dakhaliga cashuur ee usoo xaroota dawladda dhexe iyo kuwa hoosaba. Dahab ayaa loo badalaa xaddiga lacageed ee kaydkaas guud ee waddanku leeyahay. waxana la dhigaa National Reserse Bank waddan lagu kalsoonyahay ku yaalla uuna maamulo, Inta badan Maraykan Reserves Banka ku yaalla ayay dhigtaan dawladuhu qiimaha dahabkaasi leeyahay waa dollar.

Intaas kadib ayay waddanka u banaantahay inuu so dabacan karo lacag u gaara iyadoo kaydka waddanku yahay mid la ogyahay qiime ahaan (inta milyan ee dollar ee uu yahay).

Lacagta u awoodo waddanku inuu  daabacdaa waa xaddiga kaydkiisaas, kama badan karto,

Bangiga dhexe ayaana

leh waajibka qabashada hawshaas aynu kasoo hadalnay, kadib marka bangigu waddanka soo galiyo lacagtaas o ah mid la yaqaanno xaddiga tiro ee ay tahay (seriel Numbered).bangigu Markaas ka dib wuxu u ku hawl

  1. maamulista lacagtan iyo galinta suuqa ganacsi ee waddanka si habsami ah oo waafaqsan isla markaana ka ilaalinaysa in qiimaha shilinku ka yahay dollar isu badallo sife wax ka dhimaya kaydka waddanka maadaama aynu wax kasoo iibsanno una iibgayno suuqyada caalamka oo iibkaasina ku dhaco dollar oo ah halbeegga ascaarta suuqyada caalamka.
  2. La Socodka Qiimayaasha Wax kala iibsiga ee gudaha dalka iyo halka uu ku xidhanyahay ganacsiga waddanku ee dibadda ah
  3. ilaalinta Wareegga lacagta hadday tahay badalkeeda Qalaad ee gudaha yaalla iyo hadday tahay tan waddanka u gaarka ah.
  4. Abuurista Bangiyo ganacsi lacageed (Commercial Banks elligibilty), in shacabkuna ka ganacsan karo Wareegga lacagta waddanka.llaa Banigaga dhexe ruqsad u siiyo ganacsade inuu ka ganacsado lacagta waddanka dhexdiisa waa xaaraan inay dhacdo in shakhsi ama ganacsi madaxbanaani ku lug yeesho iibka lacagta. Waayo ganacsiga madaxa banaani wuxu ka faa’iidaysan karaa urusiga xaddi lacageed oo dalku leeyahay inuu u isticmaalo dan dhaqaale korodhsi oo isagu ku faa’iido isagoo helayo inuu dalka dibadda uga saaro oo dhaqaale waddanku leeyahay isagoo ah dollar inuu maalgashado wadanka dibadiisa

Sida imika ka taagan waddanka ee Bangiyda gaarka loo leeyahay gacanta ugu hayaan uguna tagri falaan awooddii lacageed ee qaranka isla markaana ay si joogta u daabacdaan xaddiga lacag aan Sal lahayn oo ay ku badashaan lacagta caddaanka ah ee waddanka dhex taalla taasoo sida la wada ogyahay banaanka uga baxda waddanka ZAAD Iyo E-DAHAB.

kuma koobna halkaas uun eh Suuqa Sarrifka waxa gacanta ku haya ganacsatadaas gaarka ah ee iyagu qiimaha alaabta iyo ta lacagtaba ku sargooya faa’idadooda ganacsi ee maalinlaha ah.

Labadaas Qodob ee kala ah, Bangiyada Ganacsiga ah ee gaarka ah Iyo suuqan ay Gacanta ku hayaan Hanti goosatadu Ayaa dalka Curyaamiyay.

Bangiga Dhexe Ha Shaqeeyo. Ama ha inoogu dhiibaanba Ciddii lahayd Aqoonteeda iyo Damiirkeeda

XAL KALE MA JIRAA?

MAADAAMA BANGIGII DHEXE GABAY SHAQADII

AMA BANGIYADAN GANACSI KA AWOOD BATEEN DAWLADII

OO DAGAAL LAGULA JIRO KA SHAQAYSIINTIISA

BANGI GANACSINA WAA XAARAAN HADDAAN BANGI DHEXE JIRIN

WAA CIDLO QARANKANI, WAXAAD SOO GAADHO NINKASTOWBA QAADO AH

Hoggaanka Qaranku Dib ha Isugu Noqdo.

 

Allaa Mahad Leh

Qalinkii; Mohamed  Obolos

ACCA

 

 

COMMENTS
LINKS