Laba Helikobtar Oo Militariga Faransiiska Ay Leeyihiin Oo Burburay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Laba Helikobtar Oo Militariga Faransiiska Ay Leeyihiin Oo Burburay
February 2, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa(W,N)-Laba diyaaradood oo ah kuwa ciidamada ayaa ku burburay Koonfurta Fraansiiska halkaasi oo uu khasaaro ka dhashay.

_99857318_6f372218-fc10-4915-96f4-f618f18e3462

Shilkani diyaaradeed ayaa waxaa ku dhintay 5 qof sida warbaahinta faransiiska ay sheegeen.

Burburka diyaaradahani ah nooca Helikobtarka ayaa ka dhacay harada Carcès.

Kooxaha gurmadka ayaa imika baadigoobaya 6 qof oo saarnaa mid ka mid ah diyaaradaha burburay.

Ma cadda ilaa iyo imika waxa dhaliyay burburka diyaaradahani.

Labada Helikobtar ayaa waxa iska leh iskuul militari oo lagu barto sida diyaaradaha loo duuliyo oo lagu magacaabo Ealat, sida ay saraakiisha dalkaasi sheegeen.

Iskuulkani ayaa waxa duuliyanimada lagu baraa duuliyayaasha militariga iyo kuwa ciidamada kale ee dalka Faransiiska.

 

COMMENTS
LINKS