Jabuuti Oo Maalinta Beri Ah Loo Dareerayo Doorashada Baarlamaanka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jabuuti Oo Maalinta Beri Ah Loo Dareerayo Doorashada Baarlamaanka
February 22, 2018 - Written by Reporter:

Djibouti (W,N) – Maalinta Beri ah ayaa lagu wadaa in dalka Jabuuti ay ka dhacdo doorashooyinka baarlamaanka dalkaas, waxaana ku tartamaya xisbiyada isku tagay aqlabiyadda madaxtooyada UMP iyo xisbiyada EDG PDD iyadoo ay ku tartamayaan ilaa 65 xildhibaan oo kasoo bixi doonta dhamaan dalka Jabuuti oo dhan.

2018222636548692968960236kaamil

65 ka Kursi ee lagu tartamayo 35 ka mid ah waxaa ay ka soo bixi donaan Caasimadda Jabuuti halka 30-ka xildhibaan ee kalana laga soo dooran doono afarta gobol ee dalka, waxana xisbiga talada haya kula tartami doona gobolada dalka.

Ololaha doorashooyinka baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa socday maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo ay ka qeybgalleen siyaasiyiin caan ah.

Ammaanka dalka Jabuuti ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana mas’uuliyiinta dowladda Jabuuti ay Xisbiyadda ugu baaqeen in ay doorashada uga qeyb galaan si nabad geliyo ah.

 

WAJAALENEWS DESSK

DJIBOUTI OFFICE

COMMENTS
LINKS