Isku Shaandhayn Wasiirka Warfaafinta ku Sameeyay Agaasimo Waxeedyada Oo Dareeno Badan Abuurtay Iyo Sababta Keentay in Mas’uul Hore Musuq Maasuq lagu Xidhay, Looga Reebo!!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isku Shaandhayn Wasiirka Warfaafinta ku Sameeyay Agaasimo Waxeedyada Oo Dareeno Badan Abuurtay Iyo Sababta Keentay in Mas’uul Hore Musuq Maasuq lagu Xidhay, Looga Reebo!!!!
February 23, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.raxmaan Guribarwaaqo ayaa shalay galabtii soo saaray Wareegto uu Ku magacaabay Mas’uuliyiinta Waaxyaha wasaaradda warfaafinta halka uu sidoo kalena xilka ka qaaday qaar ka mid ah Mas’uuliyiin Wasaaradaasi.

Inkasta oo Xil ka qaadista iyo Magacaabistuba ay tahay Sune dawladeed hadana Meelaha isha lagu hayay inay saamayso Wareegtadu waxaa ka mid ah Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka ee Wasaaradda Warfaafinta oo ah halka ay Cabashada ugu badan ee Shaqaalaha Wasaarada Warfaafintu ku aroorayso isla markaana lagu eedaynayo Musuq maasuq iyo inuu qallinkiisa ugu kala Sadburiyo Shaqaalaha Wasaaraddaas.

Sidoo kale Saraakiisha Xilka laga qaaday ayay isku dhaceen Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka Waxayna isku shaandhayntani Sawir ka bixisay inuu ahaa Mas’uulkii u Yeedhiyey Wasiirka Warfaafinta inuu shaaciyo Isku Shaandhayntan Maadama uu isagu gidaarada wasaarada ku dhejiyey Wareegtada wasiir Guri barwaaqo ku saxeexan yahay.

Shaqaalaha Wasaaradaasi ayaa aaminsan in Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka ee Wasaaradda Warfaafintu Xasan Maxamed Maxamud inuu yahay Maskaxda ka danbaysay Isku shaandhayntan uu Wasiir Guri barwaaqo soo saaray Iyadoo Shan Agaasime Waaxeed oo Wareegtadan lagu faafiyey ay ka soo Jeedaan Beesha uu ka soo Jeedo Agaasimaha Maamulka Iyo Xisaabaadka ee Wasaaradda Warfaafintu,Kuwaas oo kala ah.

Agaasimaha Maamulka & Xisaabaadka

Ku xigeenka Agaasimaha Farsamada

Ku xigeenka Agaasimaha Dawan

Ku xigeenka Madaxa Shaqaalaha

Madaxa Monotoring ee Solna

Madaxa Barnaamijyada Radio Hargaysa

Agaasimaha Maamulka ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa hore loogu Xidhay Musuq Maasuq loogana eryay Wasaaradaasi.

Xiligii lagu Jiray Tirinta iyo dib u habaynta Shaqaalaha dawlada ee hay’ada Shaqaaluhu wado ayaa waxaa Muuqday in Agaasimaha Maamulku uu u Xusul duubtay Sidii uu dad Caagleyaal ah oo aan ka shaqayn wasaarada ugu dhigi lahaa Shaqaale isagoo sadexda wakhtiba ku qaadan jiray Hoolka hay’ada shaqaalaha dawlada isla markaana dad badan u sameeyay aqoonsiyo uu ku meel marsanayo inay yihiin shaqaale ka tirsan wasaaarada warfaafinta.

Geesta Kale Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Ucid C.naasir Xasan Buuni ayaa tiraba dhawr jeer oo hore ku eedeeyay Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka ee Wasaaradda Warfaafinta inuu ku Kacay Musuq Maasuq iyo Wax is daba marin isla markaana uu Tacadi ku hayo Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta,Isagoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka Dalbaday in si uu u rumeeyo balanqaadkiisii ololaha doorashada ee la dagaalanka Musuq maasuqa inuu Sarkaalkaas Talaabo sharciga waafaqsan ka qaado.

Si kastaba ha ahaatee Wasiirka Warfaafinta Mudane C.raxmaan Guri-barwaaqo ayaa looga fadhiyaa inuu Cadeeyo Sababta uu Agaasimaha Maamulka ee Cabashada laga Tirsanayay uga reebay Isku shaandhayntan iyo Sababta uu ugu Kala sad buriyey saami qaybsiga beelaha ee ay Somaliland Ku dhisan tahay.

 

Wariye Hamse Jirde

Wajaalenews Desk

COMMENTS
LINKS