Gurmad Lagu Badbaadinayo Doon Dhawaan Ku Soo Caariday Xeebta Boosaaso Oo Socda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gurmad Lagu Badbaadinayo Doon Dhawaan Ku Soo Caariday Xeebta Boosaaso Oo Socda
February 10, 2018 - Written by Reporter:

Boosaaso (W,N) – Wararka ka imanaya degmada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in uu halkaa ka soconaya gurmad xoogan oo lagu badbaadinayo hantida saaran Doon dhawaan ku caariday xeebta Boosaaso, kaddib markii sida la sheegay leyska hortaagay in ay ku xidhato dekedda Boosaaso.

2018210636538184396742175do

Gurmadkan ayaa sababay in deked macmal ah laga sameeyo halka ay doonta ku soo caariday, waxaana la bilaabay dhismaha wax u muuqaal eeg deked laakiin ujeedadu tahay in laga soo dajiyo shixnada saaran doonta.

‘’Waxaa soconaya dadaallo runtii xoog leh, waxaa noogu muhiimsan in deked macmal ah aan sameyno si aan doonta u gaadhno halka ay fadhido’’ ayuu yidhi Sheekh Fu’aad Max’uud Xaaji.

Sheekh ayaa sheegay in dhismaha dekedda macmalka ah ay ka shaqeynayaan 15 gaadhi oo nooca Soomaalidu u taqaan “Iska-rogada” kuwaasoo soo guraya dhagax yo ciid laga buuxinayo halka laga samaynayo marsada cusub.

Doonta ayaa waxaa saaran hanti lagu qiyaasay $7malyan Dollar,waxaana hantida leh ganacsato Soomaaliyeed.

 

Wajaalenews Dessk

Boosaaso Office

COMMENTS
LINKS