|
|||||
WAJAALE NEWS
Go’aamo Ka Soo Baxay Shirkii Maanta Ee Golaha Wasiirada Somaliland
February 22, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (W,N):- Kal-fadhigii lixaad (6aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 22.02.2018, Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa warbixin lagaga dhegaystay guddida nabadgalyada ee Golaha Wasiirada oo daarasad kooban ka diyaariyey sida looga hortagi karo dagaallada soo noqnoqda ee dhexmara Beelaha Somaliland qaarkood oo ay ku sababeeyeen isku qabsiga khayraadka bulshada ka dhexeeya, khilaafyada ka dhasha arrimaha dhulka, Aanooyinka qabiilada iyo khilaafyo siyaasiya. Dhanka kale waxa golaha Wasiirradu aad ugu dheeraadeen sidii bulshada Somaliland ay ugu sinnaan lahayd Caddaaladna loogu samayn lahaa marka ay timaaddo shqo dawladeed iyo dhammaanba fursadaha kale ee dalka ka jira.
Madaxwaynaha Somaliland ayaa dhankiisa wuxuu wasiirrada ku adkeeyey in lagama maarmaan ay tahay xoojinta shaqada qaranka loo hayo, waqti dheeraadana la galiyo shaqada.
Waxaana gebegebadii shirka ka soo baxay qodobbadan.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|