Go’aamo Ka Soo Baxay Shirkii Maanta Ee Golaha Wasiirada Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Go’aamo Ka Soo Baxay Shirkii Maanta Ee Golaha Wasiirada Somaliland
February 22, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (W,N):- Kal-fadhigii lixaad (6aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 22.02.2018, Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa warbixin lagaga dhegaystay guddida nabadgalyada ee Golaha Wasiirada oo daarasad kooban ka diyaariyey sida looga hortagi karo dagaallada soo noqnoqda ee dhexmara Beelaha Somaliland qaarkood oo ay ku sababeeyeen isku qabsiga khayraadka bulshada ka dhexeeya, khilaafyada ka dhasha arrimaha dhulka, Aanooyinka qabiilada iyo khilaafyo siyaasiya.

Dhanka kale waxa golaha Wasiirradu aad ugu dheeraadeen sidii bulshada Somaliland ay ugu sinnaan lahayd Caddaaladna loogu samayn lahaa marka ay timaaddo shqo dawladeed iyo dhammaanba fursadaha kale ee dalka ka jira.

 

Madaxwaynaha Somaliland ayaa dhankiisa wuxuu wasiirrada ku adkeeyey in lagama maarmaan ay tahay xoojinta shaqada qaranka loo hayo, waqti dheeraadana la galiyo shaqada.

 

Waxaana gebegebadii shirka ka soo baxay qodobbadan.

 

 

  1. In guddida nabad galyadu soo sameeyaan qorshe sal-ballaadhan oo lagu dhamaystirayo talooyinka ay soo jeediyeen, si loo xakameeyo dagaallada soo noqnoda ee beelaha

 

  1. In hablaha Somaliland ay mudan yihiin inay helaan fursadaha shaqo ee dalka ka jira, sidaa awgeedna in mas’uuliyiinta wasaaraddaha iyo Hay’adaha madaxa bannaan ee dawladdu ay hablaha fursad u siiyaan shaqo kasta oo ay qaban karaan.

 

  1. In hay’adda shaqaalaha dawladdu marka ay qaadayso imtixaanka shaqada lagu galayo ay hablaha u samayso nidaam gaar ah oo u sahlaya inay qayb ka noqdaan shaqaalaha dawladda, iyadoo la tixgelinayo sharciga shaqaalaha dawladda

 

  1. In beelaha gabooye ay xaq u leeyihiin inay helaan fursadaha shaqo ee dalka heerkastaba, sidaa awgeed waxa mas’uuliyiinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha madaxa bannaan la farayaa inay ka qaybgeliyaan shaqada heer qaran, heer gobol iyo heer degmo-ba.

 

  1. Ugu danbayn waxa goluhu isku raacay inay waajib tahay in la hirgaliyo ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda kale ee dalka u degsan, si loo xoojiyo nidaamka dawladnimada.

 

 

COMMENTS
LINKS