Ganacsade Cumar Caydiid Oo Mudo Laba Todobaad ah ku Xidhan Magaalada Hargaysa, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ganacsade Cumar Caydiid Oo Mudo Laba Todobaad ah ku Xidhan Magaalada Hargaysa,
February 27, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Ganacsade Cumar Caydiiid Oo Kamida Ganacsatada reer Somaliland Isla markaana ah Muwaadinka Maalgalinta Balaadhan Ku sameeyay Tiyaatarka Caasimada Hargaysa oo  hada ku Dhow Dhamaad ayaa Xabsiga Loo Taxaabay Mudo  Laba Todobaad Ka Hor Isagoo Ku Xidhan Saldhiga Daloodho Ee Degmada 26 Juun, iyadoo ay la xidhan Gabadh Ay Walaalo Yihiin,

cumar cay mmmmmmmmmmmmmm

Wararka Aanu ka Helayso Xadhiga Ganacsade Cumar Caydiid Ayaa Sheegaya in  La Xidhay Ka dib Markii Uu Isku Dhac iyo Muran Xoogani Dhexmaray Mid ka mida Ganacstada Shidaalka Ku Ag Iibiya Agagaarka Dawlada Hoose  Hargaysa oo ay Isku Dhagan yihiin Dhismaha Wayn Ee Ganacsade Cumar Caydiid ka Hirgaliyay Tiyaatarkii Hore Ee Hargaysa Oo Xukuumadihii kala Danbeeyay Usiiyeen Ogolaansho,

Xadhiga Ganacsadahan oo mudo Laba Tobaada Sifo Sharci Daro ah ugu xidhan Saldhiga Daloodho Ayaan wax Wara Ka Soo Saarin xukuumada madaxwayne Muuse Biixi.

Sidoo kale  xukuumada ayaan muran iyo Isqabqabsiga kasoo Noq Noqday Dadka ku Xeeran Dhismahan uu dhisay Cumar Caydiid Ka gaadhin xal waara halka aanay  shaacin sobabta rasmiga ee wax looga qaban wari waaayay toona.

Si kastaba ha ahaatee Xadhiga Ganacsade Cumar Caydiid  Ayaa ah mid Dhaawac Wayn ku keenaysa  Muwaadiniin Reer Somaliland Maalgashiga Ay kusamaynayaa  Dalkooda Hooyo Madaama Aanu Jirin Sharci iyo Go,aan Dawladeed oo lagu kala Saarayo Cidkasta Oo Khilaaf Dhuleed ka dhex Istaadhmo,Iyo Dabcan Ilaalinta shaqsiyaadka sameeyay maalgalinta intaa leeg Waxay fadeexad Ku tahay Xukuumada Talada Haysa Iyo cidkasta oo Leh Masuuliyada Soo Noq noqoshada Arimahan oo kale!

Ganacsade Cumar caydiid Ayaa Kamida Muwaadiniin Dalka Jamhuuriyada Somaliland kusoo Kordhiyay In Uu ka Hirgaliyo Dhismaha intaa leeg oo ay ku Baxday Maalaayiin  dollar kaasi oo qayb wayn ka taraysa bilicda Caasimada Iyo Dadaalka Loogu jiro In Mar Uun Caasimada Somaliland  La tartanto Caasimadaha Geeska.

Madaxwayne Muuse Biixi Ayaa Looga fadhiyaa Wax ka Qabashada Dhacdadan Iyo Sixida Khaladaadka Ay Gashay Xukuumadii Hore Ee kulmiye Oo Mudadii Todobada Sano Ahayd Ee  Ay Xilka haysay Bulshada kala Dhex Dhigtay Khilaafyo Aan dhamaad lahaydn oo salka ku haya In ay Meel hore Loo Siiyay qof ka mida Bulshada somaliland In hadana ay cid kale u soo siiso Ogolaansho Labaad Taasi Oo dhowr Jeer Sobobi Gaadhay In ay ka dhacaan falal laysku Adeegsado ficilo  Rasaas Nool ah Oo Khatar ku ah Amniga Somaliland.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS