Fashilaada Town-plankii Tog wajaale+Habacsanaanta Guddidii Loo Xilsaaray Iyo laaluushka Ganacsatada Ee Fashilinta Amarkii Madaxweynaha, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fashilaada Town-plankii Tog wajaale+Habacsanaanta Guddidii Loo Xilsaaray Iyo laaluushka Ganacsatada Ee Fashilinta Amarkii Madaxweynaha,
February 23, 2018 - Written by Editor:

Muddo gaaban ayaa laga jooga markii Madaxweyne Muuse Biixi cabdi uu u saaraay Guddi Wasiiro ah si Qorshe loogu Sameeyo Magaalo Xuduudeedka Tog wajaale oo ah Rug ganacsi oo  ay hanti badani taalo balse Aan lahayn Qorshihii Magaalo ee ku haboonaa.

Dadweynaha ku dhaqan Degmada ayaa aad iyo aad u soo dhaweeyey Go’aanka Madaxweynaha  balse waxay walaac weyn ka muujiyeen Fashil ku iman kara hirgalinta Qorshahani , haddii aan si dhakhso ah wax looga bedalin Qaabka Wax u wadaan Maamulka degmada oo uu weheliyo Badhasaabka Cusub ee Ramaax.

wajaale pl

Waxa soo baxaya Fadeexado la xidhiidha  Qaabka durba loo Leexiyey habsami u socodkii Marka hore ay ku dhawaaqeen Guddidii loo xilsaaray hawshani,

Balse markii ay meesha ka baxeen Guddidii kadib markii ay Muddo bila dib u dhigeen  fulinta hawshani

Waxa dhacday in muddadaasi

Ganacsato la dhaq-dhaqaajay si   dhaqaale loo siiyo Guddidaasi iyo Masuuliyiinta heer Gobol taa badalkeedana laga saaro meesha Bannayntii Jidadka Magaalada, lana sameeyo Qorshe Maqaarsaara oo  dadka inta danyarta ah oo kaliya la rarayo,

Qorshahan  xaal mastuurka ah ayaa waxa xidhiidhinayey Guddoomiyaha degmada iyo xoghayaha Fulinta D/hoose.

Waxa saddexdii cisho ee dambeysay Magaalada ka socday Ururinta Dhaqaale aad u badan oo loogu talo galay in lagu laaluusho Guddida Wasiirada ah iyo badhasaabka Cusub,

Badhasaab Ramaax ayaa u muuqda Mid ay is gacan gaadheen Ganacsatada Degmada Qaar ka mid ah.

Waxanay sheegayaan wararka ka ag dhawi in

ay is afgarad ka gaadheen Ganacsatada Diidan town- planka iyo Badhasaab Gobolka mr Ramaax sidii looga leexin laxaa banaynta jidadka Qaybo ka mid ah Magaalada gaar ahaana Bakhaarada Ay leeyihiin

Ganacsadata ugu tunka wayn

Degmada,

Hadaba Talaabadan ayaa abuurtay jahawareer keeni kara in Gabi ahaanba Fashilmo Qorshihii Town-planka Magaaladu,

Guddidii wasiirada ee loo xilsaaray hawshani ayaa gabi ahaanba Iyagu aan ogoyn halka ay wax marayaan,

Si kastaba ha ahaatee waxay Bulshadu Walaac wayn ka Muujiyeen Fashilka ku iman kara Qorshihii Magaalada loogu samaynayey Jidad ku Filan kadib markii Dhaameel loo daadiyey  Guddiyadii ay khusaysay Hawshani

Wabillaahi Towfiiq

By Dhamal Aadan

COMMENTS
LINKS