|
|||||
WAJAALE NEWS
Ex-Wasiir Qabbo: Kaskiisuu Hadlay, Dawladduhuna waxay Ilaashadaana Waa Amniga Iyo Dhaqaalahooda
February 26, 2018 - Written by Wariye:Faallo; M. Curad Dhawrkii maalmood ee u danbeeyey, waxa isa soo tarayey hadalo iyo weedho Laaqi ah, oo haba-yaraatee aanu jirin micno iyo faa’iido qaranka Somaliland ay u leeyihiin, kolkaad dhan walba ka eegtid. Si kale hadii aynu u dhignana colaad mooyee aan wax kale qarankan curdinka ah usoo kordhinayn. Hadaladaasi oo kolkii War-baahinta ay ka baxeen Toddobaadkan bulshada reer Somaliland badidoodu dhan ay u qaadaan garan waayeen, arrimahaas waxa Kow ah hadal kasoo yeedhay Ex-Wasiirkii hore ee Qorshaynta, ahna masuul ka tirsan Xisbul-xaakinka tallada Somaliland haya ee KULMIYE Md. Maxamed Ibraahin Aadan “Qabbo”, kaasoo nuxurkiisu daaranaa go’aankii dawladda Jabuuti wadankeeda kaga saartay shirkadda DP-WORLD, taas oo iyadu gacanta ku haysay ama maamuli jirtay dekedda Doraleh ee Magaalada Jabuuti. Masuulkaasi oo Beytal-qasiirka hadalkiisu Af-lagaado iyo gardaro aan geed loogu soo gabban oo ku wajahan Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana taa daliil u ah sida ku cad hadalkiisa, oo qaybo kamid ah uu kaga sheekeeyey arrimo masiiri ah oo dawladda Jabuuti khuseeya, oo uu ku jirto tallaabada shirkadda DP-WORLD ay ka qaadeen, waxaana hadalkiisii kamid ah; “…Dawladda Jabuuti waxay laashay heshiiskii ka dhexeeyey shirkadda DP-WORLD iyo Jabuuti, iyadoo mudadii heshiisku weli aanay dhammaan, iyagoo ku doodayey in shirkadda DP-WORLD maalgelisay dekaddo ku yaal Badda Cas…”. Waxa kaloo masuulka Xisbiga KULMIYE Md. Qabbo, oo hadalkiisa kalsooni badani ka muuqatey, waxa amaan aan lasoo koobi karin uu ku miisay Xukuumadii uu ka tirsanaa ee gadh-wadeenka uu ka ahaa Madaxweyne Siilaanyo iyo Wiilka uu Sodoga u yahay, ahna Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil, sidoo kalena waxa uu si macaan u amaanay Madaxweynaha hadda tallada-haya ee Muuse Biixi Cabdi, oo uu xusay inuu yahay Ninka hawlaha socda dardarta-geiyey intii uu Kursiga joogey, waxaana hadalkiisa kamid ahaa; “…Dawladdii aan ka tirsanaa waxyaabaha ku suntan, waxa kamid ah heshiiska shirkadda DP-WORLD..” “..Laakiin..”. Ayuu yidhi; “…Carqalado badan ayaa waqtigaa naga horyimi, waxa’se maanta caddaatay halkii laynaga GUJIN jirey ee dacaayadu inagaga socotey…”. Taasoo uu ujeeday dawladda Jabuuti inay tahay. Hadabaa inta aynaan u gelin dawladd ahaan doorka Madaxweynaha tallada-hayaa ku yeelan karo, masuuliyadda kolka arrimahan oo kale yimaadaan, waxa mudan in lays dul-taago labadda hadal ee masuulkani uu is daba-dhigay. Tusaale ahaan, waxa uu sheegay in go’aanka dawladda Jabuuti kaga saartay wadankeeda shirkadda DP-WORLD uu salka ku hayo heshiiskii shirkaddaasi la gashay Somaliland, taasoo marka la dhadhamiyo micnaha ugu weyni noqonayo inay dawladda Jabuuti ka xun tahay heshiikii Somaliland lala galay, hadalkaasi waa dood jaban marka loo eego cunfiga heshiisyadda caalamiga ah ee dawladdaha iyo shirkadduhu galaan. Waayo? Labba dal ama shirkadd iyo dawladdi kolay heshiis gelyaan, waxa marka hore is arka madaxda labada dhinac, oo iyagu jaangooya nuxurka heshiiska markay isla fahmaan meelaha lama taabtaanka ah ee qolona geesteeda aanay dhaafi karin, waxay u gudbaan wejiga labaad heshiiska, kadibna waxay magacaabaan guddi farsamo oo ka kooban labada dhan. Guddiga la sameeyey shaqadoodu waxay ka bilaabantaa halkaa, waxayna ku kooban tahay oo iyaga laga rabaa inay socodsiiyaan hanaanka ama qaabka hawshu u socon doonto. Hase-ahaatee mar walba ka hadalka iyo wax-ka-bedelka go’aanka u danbeeya, waxa xaq-u-leh madaxda labada daraf ee heshiisku dhexmaray, arrimaha heshiisyada caalamiga kolka la gelayo lagu jaangooyana waxa saldhig u ah, waxyaabaha wiiqi kara dawladnimada, dhaqaalaha iyo Ammaanka intaba. Sidoo kale waxa wax lala yaabo ah masuulka Xisbiga KULMIYE hadalka Wasiirka Jabuuti ee uu kusoo hadl-qabsaday, oo isna waxba aanay ka jirin sida uu u sheegay, sidaas darteed waxa marag ma doon ah oo weliba cad masuulkan hadlay in aanu haba-yaraatee wax aqoon ah u lahayn arimaha ku saaban heshiisyadda caalamiga ah, oo xataa wax fahan ah aanu ka haysan, balse hawshani ay ahayd tallo meel kale ka timi, isagana loo dhiibay. Qodobka labaad ee Baytal-qasiirka hadalkiisa, waxa uu ahaa kan uu ku dheeraaday amaan Madaxweynihii hore iyo Wiilka uu Soddoga u yahay, iyo sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi, luqada markaa uu ku hadlayeyna run ahaantii kama muuqan waxa micno ah oo la taaban karo, balse hadii laga tegi waayo weedhihiis waxa uun loo qaadan karaa kuwo uu uga gol-lahaa inuu bulshada u tuso inay la socdaan Madaxweynihii Md. Siilaanyo iyo Madaxweynaha hada tallada-haya Md. Muuse Biixi, oo aanu ahayn Nin keligii cidla iska ordaya. Si kastaba ha ahaatee, horaa loo yidhi; “Nin hulaabasho xun inuu wax qarsanyaa la moodaaye” Madaxweynaha tallada-haya Muuse Biixi waxa looga baahan yahay inuu iftiimiyo mawqifkiisa ku aadan arrimaha dalka ka socda, haddiise uu door moodo inuu iska aamusnaado, waxay jawbaatu noqonaysaa inuu raali ka yahay sida wax u socdaan, sidaas darteed-na uu ka danbeeyo ama la qabo aflagaadada masuuliyiinta Xisbigiisu kula kaceen dawladda aynu deriska nahay ee Jabuuti, oo weliba la tuhunsan yahay inay door-weyn ku lahaayeen qaabkii uu Kusiga ku gaadhay. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|