Doorashadii Dhacday Waxaynu Ka Dhaxalnay Qaybsanaan Iyo Murano Aan Macno Lahayn Oo Ku Jiqsii Iyo Iska-Caabin U Badan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Doorashadii Dhacday Waxaynu Ka Dhaxalnay Qaybsanaan Iyo Murano Aan Macno Lahayn Oo Ku Jiqsii Iyo Iska-Caabin U Badan.
February 26, 2018 - Written by Reporter:

Dadka reer Somaliland waxa ay galeen 13 Nov 2017kii doorashadii madaxtooyada Jamhuuriyada somaliland oo ay ugu talo galeen in ay soo doortaan madaxweynaha qaranka hogaamin doona shanta sanadood ee soo socda.

Doorashadaasi waxa ay ahayd doorasho la isugu tafo xaytay nidaamyo xulafaysi beelaysan oo aan gabasho lahayn waxaana ay daaqada ka saartay xisbinimadii iyo wadajirkii iyo isjacaylkii umadda reer Somaliland.

28276555_10155914084510630_8081166182817978965_n

Walow ay sidaa tahay haddana dad aan badnayn oo aragti iyo isbadelo ba doonayey ayaa xisbi walba beelaha xooga saaray taraxayey oo kula jirey waase la hafiyey oo daadka qabyaaladda ayaa jiidhay, waxaana ay marqudha siyaasadii dalku u xuubsiibatay reero tartamaya.

Xaqiiqda lagama indho qarsado e dadkii aan ogaa ee tartankaa soo galay 99% qof waliba waxa uu jeclaa in murashaxa reerkooda iyo ka ay xulafo reereed yihiin guuleysto, 1% ayaa xisbinimo iyo afkaar ku socday, sidaasi oo ay tahay ayaa haddana xisbiba ka kale ku eedaynayey qabyaalad iyo xulafaysi.

Shaqsiyan waxa aan ka soo horjeeday in xisbiyada qabiil laga dhigo (la qoleeyo) maadaama ay yihiin asxaab qaranku leeyahay oo ah hanti dadka reer Somaliland wada leeyihiin, hadii la qoleeyona waxa meesha ka baxaysay xikmadii loo aas-aasay axsaabta siyaasada somaliland, waanay ka baxday xaqiiqdii .

Dadka in kooban ayaa arkeysay saameynta ay yeelan karaan reero tartamayaa, waxaana milgihii iyo maamuuskiiba laga qaaday axsaabtii qaranka, dadkuna waxa ay eegtaan oo ay ku daba faylaan hogaankooda siyaasada iyo ka dhaqanka oo labaduba si toos ah oo reeraysan u kala saftay shaqsiyaad yar mooyaane.

Waxa ii muuqatey in ay adag tahay qofku waxa uu ku ololeeyo ee lagu doorto in aanu si dhibyar uga tagi doonin, duruufaha taagan awgood, hadaba tan iyo maalintii lagu dhawaaqay natiijadii doorashada ee la sheegay in lagu kala calaf qaaday saluugii doonaa ha jiree, dalka waxa ka jira in qolana nidaam reeraysan xukuumadda ku dhaliilayso ugana biyo diidsan tahay, qolo kale na nidaam reeraysan ku difaacayso.

Waxaa yooyootan iyo u jawab iyo ka jawab lehi ee baraha bulshada iyo warbaahinta ku jiraa , Waa dhaxalka muuqda ee ka soo baxay nidaamkii axsaabta siyaasadda ee la asal guuriyey, waliba sidaasaa ilaahay inooga sahlay cunfiyo iyo caadifado beelaysan oo gacmaha la iskula tago, ragii abuurey ee ku ololeeyey maanta way ina hortaagan yihiin mucaarid iyo muxaafidba,e inta aynu shacbi ahaan u tashano yaaney wakhtiga inaga lumin midi midi ku taag iyo yooyootane ha lala hadlo.

Dadka waxgaradka iyo ehlul caqliga ahi ha u kacaan dalka, oo dadka ha mideeyaan si aan dantii guud iyo la xisaabtankii xukuumadan talada haysaa meesha uga bixin, dhaliilaha iyo toosinta loo hayaana ay noqoto mid waaqica dalka iyo shaqada ay gacanta ku hayaan lagu dhaliilo marka aynu fursad siino waliba ay ku shaqeeyaan weeyaane.

Hadalada baraha bulshada lagu wadaagaa ee ah dhaliil xukuumadeed iyo madaxweyne oo ku xumee, ku jiqsii reeraysan oo dhinac ka raran u badan, dhaliil jirta iyo mid aan jirinba leh , sidaa si la mid ah na ay dhaliilaha qaar jira dawlada iyo madaxweynaha loogaga difaaco si reeraysan iyo iska caabin ahi, waxba inooma soo wadaan ee garashadu ha shaqayso, aqoontu ha shaqayso, caqligu ha shaqeeyo bilahi calayk.

Madaxweynahana loogama baahna laftiisa in uu ku mashquulo hadalada axsaabta siyaasada iyo salaadiinta, waayo hawl ka weyn ayey umadu uga fadhidaa in uu dalkan ragaadka ah ee duruufaha badani ka jiraan u shaqeeyo, oo uu waxqabad kaga jawaabo waxkasta oo loo soo jeediyo ee aanu hadal ku jawaabin ayaa wanaagsan.

Mucaaridka iyo axsaabta siyaasaduna waa in ay fursad siiyaan xukuumadda iyo madaxweynaha uu ku shaqeeyo, marka ay shaqo timaado gol daloolo iyo dhaliilo way soo baxayaane inta ay qodobaystaan waxii aan laga aamusi karayn mooyaane waxii kale ay wakhtigeeda la eegtaan ayaa wanaagsan, waxa kale oo muhiim ah in ay ka shaqeeyaan wada-jirka dadka reer Somaliland oo aanay ku koobnaan qoqobkii iyo xafiiltanadii kaambaynkii doorashada ee aynu soo dhaafnay.

Gebo-gebada qoraalkayga ayaa ah hadii aynu axsaabta qolayno (qabiil ka dhigno) oo madaxweynaha qolayno oo waxwalba noocaa inooga eekaadaan waxa xaqiiqo ah in aynaan qaran ahaan meelna gaadheyn, dalka waxa u wada madaxweyne ah Muuse Biixi hadii dhaliisha aad u jeedinaysaa xukuumada ay tahay mid shaqsi diid, ama qabiilkiisa diid iyo ku jiqsii ah oo aan meesha qaban, dabcan waxa uun kaaga jawaabaya isna mid isaga difaaca oo taada duri doona.

Markaa waa in dhaliilaha loo jeedinayaa xukuumadda iyo madaxweynaha ay ahaadaan qaar baahiyaha dalka iyo dhibaatooyinka bulshada caam ahaan wada haysta ku qotoma oo dadka oo dhami kaaga garaabaan, sidaasaa aynu horumar iyo la xisaabtan dhab ah ku sameyn karnaa oo aynu mucarid iyo xukumad ba ugu hagi karnaa danaha bulshada iyo baahiyaha dalka.

( Waar hooy daawanayoow, duduucaayoow, dayrinaayow, diidaayoow, duraayoow waa dalkaagii )

Wa Bilahi Tawfiiq

Alle ayaa mahad leh

Nebi Muhamed baa sharaf leh scw

Muhamed Dhimbiil

 

COMMENTS
LINKS