|
|||||
WAJAALE NEWS
Dilkii Dhalinyarada Soomaalida Ee London Oo Qof Loo Qabtay
February 26, 2018 - Written by Reporter:London (W,N):- Nin dhalinyaro ah oo 18 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah oo ku saabsan laba dhalinyaro Soomaali ah oo toori lagu dilay. Ninkan oo lagu magacaabo Isaiah Popoola oo 18 ah ayaa loo heystaa dilka Cabdiqaadir Xasan oo 17 jir ah iyo Sadiiq Aadan Maxamed oo 20 jir ah, kuwaas oo Salaasadii lasoo dhaafay lagu diley xaafadda Camden ee London. Waxaa sidoo kale ninkan loo heystaa dhaawacyo uu u geystay labo qof oo kale isla habeenkaas uu dhacay falka dilka ah. Mr. Popoola ayaa kasoo muuqan doona maxkamadda Highbury xili dambe oo maanta ah. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|