Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Ku Jira Xabsiyada Dalka Maraykanka Oo Loo Geystey Jidhdil | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Ku Jira Xabsiyada Dalka Maraykanka Oo Loo Geystey Jidhdil
February 16, 2018 - Written by Reporter:

Florida (W,N)- Dhalinyaro Soomaali ah oo ku jira xabsiyada dalka Maraykanka ayaa lagu soo waramayaa in loo geystey jidh dil.

 

_100053035_xabsiusa

Nin lagu magacaabo Maxamed BBC oo u ololeeya xuquuqda Soomaalida ayaa ka waramay dhalinyaradan oo si sharci darro ku galay Maraykanka, marna la damcay in lagu celiyo Soomaaliya, wuxuuna yidhi “Soomaalida waxa ay ku xidhnaayeen labo xabsi oo ku yaala Florida, mid ka mid ah oo lagu magacaabo Galdeys ayaa waxaa ka dhacay tacadiyo, dhalinyaradaas waxa ay ka cabanayeen nadaafad daro, kadibna waxaa lagu buufiyay sunta indhaha, dhaawacyo badan ayaa loo geystay, markii ay arrintaasi dhacday garyaqaanadii ayaa gaadhay maalintii sabtida, kadib saacado badan ayaa lagu celiyay albaabka si dhaawacyada looga qariyo”.

Dhalinyaradan oo qaarkood lugaha ka jabeen, qaarkoodna ay soo gaadheen dhaawacyo , sida uu sheegay Maxamed ayaa waxaa la geeyay Cisbitaal, halkaas oo lagu dabiibay.

Xaaladda dhalinyaradda Soomaali ah ee ku xidhan xabsiyadda Maraykanka

Codbixinta dhici doonta Salaasada waxaa lagu wadaa inay codkooda ka dhiibtaan dad waayeel

Garyaqaano u doodaya dadkan ayaa dacwad geeyay maxkamad, taas oo soo saartay amar afar qodob ka kooban sida uu markale sharaxayo Maxamed “Afar qodob ayuu soo saaray xaakimka, kan koowaad waa in laga soo raro xabsigaas, lana galiyo mid laanta socdaalka ah, tan labaad waa in dacwadan loo gudbiyo wasaaradda caddaalada oo ay soo diraan guddi baadhis ah, waxa kale oo uu amray xaakimka in dhaawacyada ay qabaan loo keeno warbixintooda oo daabacan, ugu dambeyntiina wuxuu amray in aanan dhalinyaradan lagu celin karin Soomaaliya”.

Tan iyo intii uu Aqalka Cad fadhiistay madaxweyne Trump , Soomaali badan ayaa lagu celiyay Soomaaliya, arrintaas oo ah xaajo ugub ah, islamarkaasna aanan hore uga dhicin Maraykanka.

COMMENTS
LINKS