Dadka Venezuala Oo U Kala Ordaya Xadka Colombia Uu Wadankaasi La Wadaago | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dadka Venezuala Oo U Kala Ordaya Xadka Colombia Uu Wadankaasi La Wadaago
February 10, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N):- Kumannaan qof oo waddanka Venezuela u dhalatay ayaa u kala orday goobaha loogaga gudbo xuduudda waddanka Colombia kaddib markii Madaxweynaha waddankaasi, Juan Manuel Santos, uu ku dhawaaqay in la adkeynayo goobaha xuduudda looga soo gudbo.

 

_99966232_b071f9d0-8dfe-4dad-8813-90a4a6286388

Waxaa loo ogol yahay inay xuduudda ka gudbaan dadka leh kaadhadhka gaarka ah ee xuduudda iyo qofkii wata baasaboor oo kaliya.
Dadkan qulqulayaa ayaa ka cabsanaya inay ku adkaan doonto inay Colombia galaan haddii tallaabooyinkan si buuxdo loo fuliyo.
Colombia waxa ay leedahay muhaajiriinta Venezuela ayaa 2017 sare u kacay in ka badan 100%
Inta badan dadkaasi dib ayey dalkooda ugu soo laabtaan, hasayeeshee dowladda Colombia ayaa waxa ay filaysaa in qaar badan oo kale ay dalkeeda iska sii joogaan xili ay sii xumaanayso dhibaatada dhaqaale ee waddanka Venezuela.
Venezuela ayaa waxaa la degay sicir barar socday muddo sanado ah iyo gabaabsi dhinaca cunnada iyo dawada ah.
Brazil ayaa sidoo kale walaac arrintan ka muujisay, iyadoo kumannaan qof oo u dhalatay Venezuela ay ku nool yihiin goobo khatar badan oo ku yaal gobolka xuduudda ee Roraima.
Dadka Venezuela ayaa waxa ay goobaha codbixinta u dareeri doonaan 22 bisha April si ay u soo doortaan madaxweyne.
Nicolás Maduro, oo xilka hayay tan iyo sanadkii 2013, ayaa u tartamaya inuu xilka sii hayo lix sanno oo kale.

COMMENTS
LINKS