Daawo: Xukuumada Somaliland Oo Sheegtay In Ay Jabuuti Ku Kulmayaan Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Farmaajo+Wadamada Dhex-dexaadinta Ku Cusub | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Xukuumada Somaliland Oo Sheegtay In Ay Jabuuti Ku Kulmayaan Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Farmaajo+Wadamada Dhex-dexaadinta Ku Cusub
February 10, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N):- Xukuumada Somailand ayaa shaacisay wakhtiga ay kulmayaan Madaxwaynasha Somaliland iyo Soomaaliya oo la filayaa in ay ku kulmaan Magaalada Jabuuti.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in ay dib ufurmayaan wadahadalladii kala dhaxeeyay dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiir Sacad Cali Shire ayaa sheegay inuu jiro qoshe shir furitaan u ah ambaqaadka wada hadallada labada dhinac, kaas oo ka dhici doono dalka Jabuuti, waxaana uu sheegay in ay isku arki doonaan Madaxwayne Muuse Biixi iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

https://youtu.be/4Vr86ujVXsc

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

COMMENTS
LINKS