Budhcad Baddeed Soomaali Ah Oo Weerartay Markab Ganacsi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Budhcad Baddeed Soomaali Ah Oo Weerartay Markab Ganacsi
February 24, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N) – Kooxo hubeysan oo ah Budhcad baddeed Soomaali ah ayaa weerar ku qaaday Markab ganacsi  oo laga leeyahay dalka Singabuur sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta dalkaasi.

2018224636550493951058540yfusus

Markabka la weeraray ayaa waxaa lagu magacabaa  MT Leopard Sun,waxaana  ka soo shiraacday xeebaha dalka Oman  kuna sii jeeday magaalada Cape Town ee dalka Koofur Africa, kaa oo siday Haamo Kiimiko ah.

Kooxda Budhcadbadeeda Soomaalida ayaa la sheegay in ay wateen labo Doomood oo ah kuwa aadka u dheereeya.

War ka soo baxay  ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in koox Budhcad baddeed Soomaali ay weerar ku qaadeen Markabkaasi kuwaa soo sitay laba Doonyood oo nooca dheereeya ah.

Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in ay waddaan baadhitaano, islamarkaana ay shaacin doonaan Khasaaraha ka dhashay weerarka.

COMMENTS
LINKS