|
|||||
WAJAALE NEWS
Britain Oo U Digtay Hay’addaha Gargaarka Ee Dalkaasi
February 11, 2018 - Written by Reporter:London (W,N):- Mid kamid ah hay’addaha gargaarka ee ugu weyn dalka Ingiriiska, Oxfam ayaa wajaheysa cambaareyn xoogan, kadib markii la sheegay in qaar kamid ah shaqaalaha hay’addaasi uu la seexday haweenka jidhkooda ka ganacsada. Dowladda Britain aya hay’adda gargaarka ee Oxfam iyo hay’addaha kale uga digtay inay kala laabaneyso dhaqaalaha ay siiso, haddii aysan xaqiijinin badbaadada dadka nugul. Eedeymahani oo uu soo weriyay wargesyka The Observer ayaa hay’adda Oxfam waxaa ay beenisay in qaar kamid ah shaqaalaheeda ay la sexdeen haween jidhkooda ka ganacsada, xili ay howlo gargaar ka wadeen dalka Haiti oo uu dhul gariir ku dhuftay sannadkii 2011-ka. Xoghayaha horumarinta caalamiga ee Britain Penny Mordaunt ayaa cambaareesay waxa ay ugu yeedhay dabeecad argaggax leh. Arrintan ayaa la sheegay inay dhacday xili shaqaalahaasi Oxfam ay caawinayeen dhibanayaasha dhulka gariirkii ku dhuftay dalka Haiti.
Related posts:War-saxaafadeed: Aragtida Xisbiga WADDANI ee ku Aaddan go’aamada Xukuumadda Somaliland ka soo saart... Xidhiidhka Kubada Kolayga Jsl Oo Muddo Laba Sanno Ah Ciyaaraha Ka Joojiyay Tababaraha Xulka kubbada ... DAAWO; Abwaan Cabdiraxmaan Abees Oo Munaasibad Qado Sharaf ah Ku Maamuusay Qareeno,Abwaano, Siyaasiy... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|