Xukuumada Soomaaaliya Oo Xabsiga U Taxaabtay Gudoomiyihii Ururka Wadajir Iyo Xoghayihii Ururka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Soomaaaliya Oo Xabsiga U Taxaabtay Gudoomiyihii Ururka Wadajir Iyo Xoghayihii Ururka
January 27, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (W,N) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa goor dhawayd  Xabsiga u taxaabay  Gudoomiyihii Xisbiga Wadajir Kamaal Daahir Gutaale iyo Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Sayid Cali Macalin Cabdulle.

Capture

Siyaasiyiintan ayaa laga xidhay hotelka Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho oo ay ku sugnaayeen, waxaana goobtaas ka kaxaystay ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugida Soomaaaliya.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishuur ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in ciidan ka tirsan NISA ay xabsiga dhigeen Kamaal Gutaale iyo Sayid Cali Macalin Cabdulle.

Ilaa iyo hadda lama oga sababaha loo xidhay mas’uuliyiintan, hase ahaatee waxaa lala xidhiidhinayaa inay daba socoto xadhigii Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo 17-kii December ee sanadkii hore, markii ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka ay ku weerareen gurigiisa.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doona

COMMENTS
LINKS