Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley Oo Ka Hadlay Gacan ku Haynta Biyaha Magaalada, Eedo Culusna Usoo Jeediyay Maayarka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley Oo Ka Hadlay Gacan ku Haynta Biyaha Magaalada, Eedo Culusna Usoo Jeediyay Maayarka.
January 29, 2018 - Written by Editor:

GABILEY(W,N) Qaar kamida Xildhibaanada Golaha Deegaan Degmada Gabiley ayaa ka Hadlay gacan ku Haynta Biyaha Magaalada Gabiley oo ay maalmihii u danbeeyay ka shirayeen arinkooda taasi oo ay sheegeen in loo samayndoono gudi maamusha gacan ku haytooda.

 Xildhibaanada golaha deegaan gabiley ayaa sidoo kale Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed Aamin ku Eedeeyay in uu si sharciga baalmarsan uu u maamushay biyaha gabiley taasi oo ay sheegeen in uu cid gaar ah  u wakiishay gacan ku   hayntooda  balse gole ahaan aanay waxba kala socon.

Xil, gabiley

 Dhanka kale xildhibanada warbaahinta lahadlayay ayaa soo bandhigay cadaymo muujiyana sida loo musuq maasuqo biyaha iyo foojaro kuwa dawlada aan hayn oo loo samaystay.

 HALKAN  KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

https://youtu.be/W_g9Yz7-G6I

COMMENTS
LINKS