Wasaaradda Maaliyada Oo Cashuur Kordhintii Ugu Badnayd Ku Soo Rogtay Qaadka Iyo Booliska Ilaalada Cashuuraha Oo Ku Fashilmay In Ay Soo Qabtaan Gaadiid Qaad Siday Oo La Baxsaday Cashuurtii. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Maaliyada Oo Cashuur Kordhintii Ugu Badnayd Ku Soo Rogtay Qaadka Iyo Booliska Ilaalada Cashuuraha Oo Ku Fashilmay In Ay Soo Qabtaan Gaadiid Qaad Siday Oo La Baxsaday Cashuurtii.
January 24, 2018 - Written by Editor:

GABILEY (W,N) Muddo Lix Iyo Labaatan Sanno ah Oo Qaranka Jamhuuriyada S/land Jiray,waa Markii koowaad ee Korodh Cashuureed  intan leeg ay samayso Wasaaradda Maaliyada S/land,iyadoo maanta oo taariikhda ku beegan,24/1/2018,lagu Waabariistay Cashuur kordhin Boqolkiiba Konton ah,halka uu  Qiime Cashuureedka Kiiloo Garamka Jaadka ka ahaa,5488,waxaa lagu kordhiyay Qiime Cashuureed dhann ,2762, oo wadarta Guud ee Qiime Cashuureedka Kiiloo Garamka Jaadka ah ka dhigaysa ( 8250 ).Iyadoo talaabadaa ay qaaday Wasaaradda Maaliyadu Sabobtay in Shirkadaha Qaadka geeya Gobolada Bariga S/land ee “571,SB1 iyo Caare,ay ka cararaan Cashuur kordhinta Boqolkiiba Konton ah ee Wasaaradda Maaliyada S/land ku soo rogtay Qaadka Soo mara Kastamka Kalabaydh iyo meel kasta oo kamida somaliland.

taliyaha ciidanka ilaalada cashuuraha

Talaabadan uu wasiirka wasarada Maaliyadu ku kacay ee Cashuurta Jaadka lagu  kordhiyay 50% ayaa sobobtay in durba uu khilaaf iyo Amar diido ka dhalato taasi oo sobobtay in gabi ahaanba ay Tacriifadii Cusbay ee  Cashuurtii Shirkadaha qaadka qaarkood Diidaan in ay bixiyaan. kuwaasi oo ka baydhay kastamka kalabaydh ee ay hore usoo Mari jireen lana baxsaday cashuurtii.

gadiidka jaadka

Sidoo Kale Waxaa Iyagu gabi ahaanba kordhinta cashuurtan qaadka diiday shirkadaha qaadka Muurooga ah ka keena dalka KENYA kuwaasi  xoog iyo badheedha Diyaaradihii siday Qaadkooda kaga  soo Dejiyay Madaarka Magaalada Laascanood taasi oo markii danbe Xukuumada ku Qasabtay in cashuurta Ay ka qaadaan uu intii hore loogu cashuuri jiray  halka gabi ahaanba ay fashiliyeen amarkii wasaarada maaliyada ee  cashuurta lagu kordhiyay.

 Dhinaca kale, Booliska Ilaalada Cashuuraha S/land ayaa  ku guuldaraystaan in ay soo qabtaan Hall Gaadhi oo ka mida Gaadiidka sida Qaadka ee Cashuurta Qaranka la baxsaday,iyadoo Cashuur kordhinta ay Wasaaradda Maaliyadda S/land ku soo rogtay Qaadka,ay banaanka soo dhigtay Hawlgabnimada Booliska Ilaalada Cashuuraha S/land, oo gabi-ahaanba ku guuldaraystay soo qabashada Gawaadhida Qaadka sida ee ka baxsaday Cashuurta ku waajibtay  .

wasiirka maaliyada yuusuf

Inkasta oo ilo wareedyo lagu kalsoon yahay sheegayaan in Booliska Ilaalada Cashuuraha S/land ay xidhiidh dhaw la samaysteen Ganacsatada Jaadka oo ay u fududeeyeen in Gawaadhida Qaadka sidaa si dhibta yar Cashuurta Qaranka ugala baxsadaan,

Inkasta oo xill gudasho la”aanta ku habsatay Booliska Ilaalada Cashuuraha,lagu sabobaynayo in muddo Sannado ah kooto loogu xidhay in ay ka hawlgalaan Kastamada Xuduudaha S/land Askar gaara oo Aqoon iyo Daacadnimo lagu soo xulin blase kooto loogu xidhay Kastamada Kalabaydh,Gorayo-cawl, Wajaale, Alaybaday iyo Baligubadle, taasi oo laga shikisan yahay in ay keentay  Xidhiidh dhaw dhex maro Booliska Ilaalada Cashuuraha iyo Ganacsatada Jaadka .

Si kastaba ha ahaatee, waxay talaabada Cashuur Kordhintu banaanka keentay habacsanida cidkasta oo ku shaqale ilaalada cashuuraha.

COMMENTS
LINKS