Wasaaradda Beeraha Somaliland Oo Soo Saartay Tirakoobka Dalagii Soo Go’ay Sanadkii 2017 | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Beeraha Somaliland Oo Soo Saartay Tirakoobka Dalagii Soo Go’ay Sanadkii 2017
January 27, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa(W,N)-Wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa warbixin ay soo saartay waaxda wax soo saarka beeraha ayaa waxay kaga hadashay tirakoob ay ku soo sameysay dalagyada soo go’ay sanadkii lasoo dhaafay ee 2017.

lemon-1160x665

Warbixinta ayaa lagu sheegay in sanadahan dhawaa dalaga ugu badan ee soo go’ay uu ahaa hadhuudhka, iyadoo dadweyne badani haatan cunaan cuntada waddaniga ah siiba hadhuudhka iyo arabakhida ee (masagada iyo galleyda).

Haddaba Dr Cabdirisaaq Muxumed Gaboobe oo ah madaxa waaxda wax soo saarka ee wasaaradda beeraha Somaliland ayaa waxa uu sheegay dalaga soo go,ay sanadkii u danbeyay uu ahaa 15,000-kun iyo 700 boqol oo iskugu jira Galay iyo Hadhuudh waxaana uu sheegaay in dalaga ugu badan uu ka soo go,ay Deeganada Galbeedka Somaliland.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS