“Warbixintii Uu Golaha Amaanka ka Jeediyay Ergaygan U qaabilsan Somalia Qaramada Midoobay, Waxay Ahayd Mid Aan ka Turjumayn Xaqiiqada Siiba Xiisadda Tukaraq” Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Warbixintii Uu Golaha Amaanka ka Jeediyay Ergaygan U qaabilsan Somalia Qaramada Midoobay, Waxay Ahayd Mid Aan ka Turjumayn Xaqiiqada Siiba Xiisadda Tukaraq” Cali Guray
January 25, 2018 - Written by Editor:

Warbixintii uu Golaha Amaanka ka jeediyay ergaygan u qaabilsan Somalia Qaramada Midoobay waxay ahayd mid aan ka tarjumayn xaqiiqada siiba markii uu ka hadlayay xiisadda Tukeraq oo uu u nisbeeyay doorashadii madaxtooyada ee Somaliland, Waxanu farta ku Goday Dawlado gaar ah Markii uu lahaa Isaga oo ka hadlayay Doorashada(Doorashadaas Oo kuwa Halkan fadhiya Qaarkood ay Taageerayeen).

Wuxu Saadaaliyay Dagaal dhex mari doona Somaliland iyo Puntland Maaalmaha soo socda.

CALI GURAY

Ergayga warkiisu wuxu ahaa “Nin leh baa u Doobiyay” oo way Muuqatay Inuu dhinac ahaa oo Isagu Taageersanaa Ee hadii uu Somalia u Qaabilsan yahay Qaramada Midoobay Somalilandna yaa u qaabilsan tolow? Dee cidna laakiin warbaahinta Somaliland baa jecel inay ku shaagto ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia iyo Somaliland waana qalad ee wuxu u qaabilsan yahay Somalia hadii aynaan runta is-diidsiinayn waanu u yidhi intii uu u odhan karayay Somalia ee been ahayd isaga oo guushii doorashadii Somaliland Ee cid waliba ay Qirtay Dafirsan laakiin aan sacabkiisa cadceedda ku Qarin Karin.

MUJ CALI GURAY OO KA DAREENN CELIYAY HADALKII WAKIILKA QARAMADA MIDOOBAY  JEEDIYAY,

COMMENTS
LINKS