|
|||||
WAJAALE NEWS
Suldaanka Guud Ee Subeer Awal Oo Raali Galin ka Bixiyay Hadalo Hore Uga Soo Yeedhay Oo Xasaasiyad Ku Abuuray Bulshada Jsl.
January 14, 2018 - Written by Editor:“Shacbiweynaha Reer Somaliland Gudo Iyo Debadba Waxaan karaali Galinayaa Hadalkii Khudbadii Burco Aan ka Jeediyay Oo Turjumaad Khaldan Lagu Tafsiiray”Suldaan XasanHARGAYSA(W,N) Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Ayaa Raali Galin Buuxda ka Bixiyay Ereyo kaftan ah oo uu Shalay ka Yidhi Xaflad Lagu Caleemo Saarayay Ugaas kasoo jeeda beesha bariga burco. Hadaba Hadalada Suldaanka kasoo Yeedhay Ayaa Waxay Abuureen Xasaasiyad iyo sidoo kale in jawaabo kala duwan Ay ka bixiyaan qaarkamida madax Dhaqameedka Somaliland kuwaasi dhib sadayhadalka suldaanka kuna sifeeyay in uu la xidhiidhay qaybo kamida Beelaha Somaliland. Suldaan Xasan Ayaa Weedhahan Raali Galinta ah Ee Uu ka Bixiyay Hadalkiisii Wuxu ku Baahiyay Barta uu ku Leeyahay Xidhiidhka Bulshada Ee facebookga Qoraalka Suldaanka Ayaa Udhignaa Sidan; BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM SCW Salaanta islaamka kabacdi GUUD AHAAN Shacbiweynaha reer somaliland gudo iyo debadba Waxaan karaali galinayaa raali galin buuxda hadalkii maanta khudbadii Burco Aan ka jeediyay oo turjumaad Khaldan LaguTafsiiray “Si Xun Wax Usheeg Sixir ka Daran” Runtii Hadalkani Waxaa uu Daba Socday Hadalo kaftana Ilmaadeertu Way kaftamaan Caawa fiidkii Waxaa igu soo dhacay ku manaan Telefoon oo Dad wax garadi Gudo iyo Debadba Igala soo Xidhiidheen, Talo iyo War soomalidu Waxay tidhaa War Lahelyaaba Talo la hel Cidii Uu carabkaasi Muday Suldaanbaan u ahay waxaan kashaqeeyaa Walaalayntooda Midnimadooda Hadiiba Meel ay wax ka dhacaan Gogashaydu waa Duubantay oo nabadaan kashaqeeyaa, Isagoo Suldaanku Hadalkiisa Siiwatana Wuxu Intaa Ku Daray, Ugumana Talo galin in Maatada lagu Dhex tuuro Weedho kaftan ku baxay Sidaa Daraadeed Waxaan umada ku Wargelinayaa inay sidaa ku biyo cabaan Raali Galintaasi Sixid Unoqoto soomaaliland idaylkeed waa walaalo Xiligii Tartankiina waa dhamaaday waxaan kuboorinayaa isku duubni Midnimo walaalnimo, Ayuu Suldaanku Hadalkiisii Kusoo Xidhay
ALLA MAHAD LEH SULDAAN XASAN SULDAAN CABDILAAHI Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|