|
|||||
WAJAALE NEWS
Shaqaale Ajnabi Ahaa Oo Maanta Lagu Dhex-toogtay Xarunta UNICEF Ee Magaalada Muqdisho
January 26, 2018 - Written by Reporter:Muqdisho (W,N) – Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in sarkaal Ajnabi ahaa oo ka tirsanaa Saqaalaha Hay’adda UNICEF ayaa lagu dilay xarun ay Hay’addu ku leedahay degmadaasi. Ninkan la dilay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa shaqaalaha cuntada kariya ee xarunta ka howgala, waxaana dilkaasi geystay mid ka mid ah ilaalada Soomaalida ah ee la shaqeeya Hay’adda UNICEF. Shaqaalahan la dilay ayaa wararka waxa ay sheegayaan in uu u dhashay Uganda, iyada oo xog kale sheegeyso in uu u dhashay dalka Kenya, balse ilaa hadda si dhab ah looma xaqiijin wadanka uu ka soo jeedo. Askariga dilka geystay ayaa la sheegay inuu ka baxsaday xarunta, balse Ciidamada ammaanka ayaa ku daba jira dambiilaha dilka geystay, sidoo kalena ay baadhayaan sida ay wax u dhaceen.
Related posts:DAAWO; Suldaanka Guud Ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxaan oo Luuqadii Ugu Adkayd... Cabdiraxmaan-Cirro Oo Ku Taliyey Inaan Qodxo Loo Dhigin Doorashooyinka+Faysal Cali-waraabe oo Walaac... Sharcigu Muxuu Ka Qabaa Heshiiska Ay Wada Gaadheen Xukuumada Iyo Xisbiyada Mucaaridku?''Garyaqaan Ma... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|