|
|||||
WAJAALE NEWS
Qoys Soomaali Ah Oo 10 Carruur Ah Oo Ay Dhaleen Lagaga Qaatay Dalka Canada
January 25, 2018 - Written by Reporter:Toronto (W,N) – Horaantii toddobaadkan, magaalada Vancouver ee dalka Canada ayaa qoys Soomaali ah waxaa laga qaaday 10 caruur ah oo ay dhaleen. Labadii waalid ayaa iyagana la sheegay in la xidhay ka dib markii caruurtooda la qaaday.
Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Carruurta oo ay wehliyaan Booliska Canada ayaa qoyskan ugu tagay gurigooda iyaga oo ka qaatay mar kaliya Toban Carruur ah oo ay dhaleen, waxaana sidoo kale la xidhay Labada Waalid ee Carruurta. Sababta ka dambeysay in Caruurtan waalidoontooda laga kaxeysto ayaa la sheegay in ay tahay kaddib markii Gabdhaha ugu roon ee Qoyska ay dacwad ka gudbiyeen Waalidoontooda, taasi oo ah in la canaanto ama la jidh-dilo. Maxkamad ku taalla dalka Canada ayaa maanta oo Khamiis ah qaadeysa dacwadan, si ay go’aan uga gaadho cida lagu wareejinayo caruurtan iyo xukunka lagu ridi doono waalidiintooda, iyada oo looyaro loo qaban doono labada waalid. Qofka lagu wareejinayo Caruurtan oo ay Maxkamadda go’aan ka gaadheyso ayaa waxaa shuruudaha laga rabo ka mid ah inuusan dambi gelin iyo inuu leeyahay guri weyn oo ay ku noolaan karaan caruurtan. Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Canada oo falkan aad uga cadhooday, xalayna kulan yeeshay ayaa maanta waxaa ay tagayaan maxkamadda, si maxkamadda ay uga dhaadhiciyaan in Caruurtan loo dhiibo dad Muslimiin ah gaar ahaan Soomaalida.
Related posts:Daawo:Dacwadii Maayirada Gabilay,Berbera Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Samada Isku Shareertay Iyo Weedh... Madaxweyne Biixi Oo Farriin Hawada U Mariyay Nin Aanu Magacaabin Oo Ku Lug Leh Wada Hadalada Somalil... DAAWO;-Maamulka Gabiley Iyo Bulshada Qaybaheeda Kala Duwan Oo Olole Balaadhan Ka Fulliyay Gudaha Mag... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|