Qarax Dad Badan Ay Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Magaalada Kabul Ee Dalka Afghanistan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qarax Dad Badan Ay Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Magaalada Kabul Ee Dalka Afghanistan
January 27, 2018 - Written by Reporter:

Kabul (W,N) – Qarax baabur ayaa maanta gilgilay banaanka dhisme ay dawlada Afghanistan ay leedahay oo ku yaala caasimada dalkaasi ee Kabul.

 

88b06427bef640c2887e9a040d370b6f_18

95 qof ayaa dhintay, in kabadan 160-kalena way ku dhaawacmeen qaraxaasi oo loo adeegsaday baabuur “Ambulance” oo walxaha laga buuxiyay.

Mas’uuliyiinta yaa sheegay in qofka ismiidaamiyey uu walxaha qaraxa ka soo buuxiyey gaadhi kuwa gargaarka ah ee loo yaqaano Ambulance-ka si uu weerarka uga fuliyo goob ay si weyn ugu xoonsanaayeen dadweyne badan.

kooxda Taliban ayaa isla markiiba sheegatay masuuliyada weerarka, waxaana uu sheegay afhayeen u hadlay kooxdu in bartilmaameedku uu ahaa xubno ka mid ah ciidamada ammaanka ee Afghanistan oo goobta isugu imid.

Weerarka ayaa imanaya todobaad kadib markii la weeraray dhismaha huteelka Intercontinental hotel ee magaalada Kabul oo ah goob si xoogan ammaankeeda loo ilaaliyo, weearakaas oo lagu dilay ugu yaraan 22 qof oo ay ku jiraan 14 qof oo ajaanib ah oo ugu yaraan 4 ka mid ah ay ahaayeen Maraykan.

 

COMMENTS
LINKS