Qabow Daran Oo Ku Dhuftay Waqooyiga America | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qabow Daran Oo Ku Dhuftay Waqooyiga America
January 6, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa(W,N)-Xeebaha Waqooyiga America ayaa waxaa ka dhacaya qabow aad u daran. Waxaana wadamada Canada iyo Maraykanka la saadaalinayaa inuu qabowga ka sii dari doono.

_99473630_6bd989b1-2114-4dc3-a76b-eeaf22a70490

Dalka Canada kumanaan qof oo deggan deegaanka Nova Scotia ayaa waxaa ku dhuftay dabaylo baabi’iyay korontada.
Cimiladan xoogan ayaa ilaa hada galaafatay nolosha 19 qof oo dalka Maraykanka ah iyo labo qof oo Canada ku dhintay.
Qabowga iyo barafka dhacaya ayaa waxa uu sababay cidhiidhi ku yimid wadooyinka baabuurta oo shilna keenay.
Gobolada sida weyn ay cimiladan qabow u saamaysay waxaa ka mid ah Waqooyiga iyo Koonfurta Caroline, Wisconsin, Kentuck iyo Taxes.
Khubarada cimilada ayaa saadaalinaya in isbuucani ay dhici doonaan dabaylo xoogan.
Maalinkii Jimcaha ahayd ayaa waxaa la hakiyay 1200 oo duulimaad oo cimilada darted loo baajiyay.
Meelaha sida weyn looga cabsi qabo waxaa ka mid ah New Hampshire oo cimilada uga daran laga soo warinayo,
Deegaanada Atlantic iyo bartamaha dalka Canada ayaa iyaguna waxaa ka dhacay dabaylo xoogan
Gobolka Nova Scotia dad gaadhaya 125 kun oo qof ayaa koronto la’aan ay qabsatay ka dib markii ay dabaylahani saameeyeen.

COMMENTS
LINKS