Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Oo Socod Lug Ah Ku Maray Wadooyinka Caasimada Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Oo Socod Lug Ah Ku Maray Wadooyinka Caasimada Hargeysa
January 10, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N):-Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta dhex lugeeyey suuqyada magaalada Hargeysa.

 

mada(6).JPG26196048_1566294156739411_6997699367359164317_n.jpg

Madaxweynihii hore ee Somaliland oo ay weheliyaan marwadiisa iyo xubno ciidan ah ayaa soo maray waddada halbawlaha ah ee hor marta madaxtooyada Somaliland, waxaana la arkayey isaga oo si caadi ah u dhex lugaynaya caasimada.

Axmed Siilaanyo oo wakhtigii uu wareejiyey xilka ugu sareeya qaranka Somaliland ee madaxweynenimo ay ka soo wareegtay mudo ka yar hal bil ayaa si la mid ah bulshada caasimada waxa uu lug ku soo maray meelo kala duwan oo ku yaala caasimada Hargeysa.

Dadkii ka war helay socodka lugta ah ee madaxweynihii hore ee Somaliland ku soo marayey qaar ka mid ah wadooyinka caasimada ayaa dareeno kala duwan ka bixiyey.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa tan iyo wakhtigii uu wareejiyey xilka madaxweynenimo waxa uu ku nool yahay gurigiisa magaalada Hargeysa,isaga oo aan dhinacna uga bixin dalka.

 

COMMENTS
LINKS