|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Axmed Siilanyo Oo Kulan Tacsi Ah Gurigiisa Ugu Tagay Faysal Cali Waraabe
January 17, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (W,N):-Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan tacsi ah ugu tegay gurigiisa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo wiil uu dhalay dhawaan ku geeriyooday dalka Suuriya. Wiilkan Ayaalagu Magacaabi Jiray Marxuum Xuseen Faysal Cali Waraabe ayaa suuriya tegey sanadkii 2013-kii, ka dib markii la duufsaday oo warbixin khalad ah la siiyey sida uu sheegay aabbihii. Sayid Xuseen Faysal Cali Waraabe waxa uu ku dhashay oo ku noolaa wadanka Finland. waxaana la joogtey xaaskiisa oo Finland ka raacday iyo laba gabdhood oo ay dhashay oo iyagu halkaa la joogay, waxaana la sheegay in iyadu ay soo xaqiijisay in uu ku dhintay weerarro dhinaca cirka ah oo loo geystay goobta uu ku sugnaa.
Related posts:“Madaxweyne Waxa Kula Gudboon Inaad Dib U Soo Celiso Midnimadii, Isku Duubnidii iyo Wada Jirkii Umad... DAAWO ;Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Uu Weheliyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradaas oo Kormeer Hawleed ... ONLF oo dhaliishay go'aanka ay dawlada Itoobiya Shidaalka uga Soo Saartay deegaanka Soomaalida COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|