Madaxweynaha Soomaliya Oo Lagu Soo Dhaweeyaay Magaalada Garoowe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Soomaliya Oo Lagu Soo Dhaweeyaay Magaalada Garoowe
January 7, 2018 - Written by Reporter:

Garoowe,(W,N)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta gaadhay magaalada Garowe ,xilli maalmihii la soo dhaafay si weyn loogu diyaar-garoobayay soo dhaweynta isaga iyo wafdiga la socda.

Farmaajo-Garowe6

 

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada kuwooda ugu muhiimsan ayaa wafdiga madaxweyne Farmaajo ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe.

Amniga garoonka diyaaradaha ayaa si weyn loo adkeeyay ,waxaana sugid-da amngia ka qayb-qaadanaya ciidamo Federaal ah oo shalay yimid magaalada Garowe ,kuwaasi oo ka soo horeeyay madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo goobta ku sugnaa , isla markaana qayb-weyn ka ahaa soo dhaweynta madaxweynaha Somalia ee magaalada Garowe.

“Labo munaasabad ayuu madaxweynuhu u yimid ,kuwaasi oo kala ah furitaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe iyo ka qayb-galka sanadguuradii afaraad ee ka soo wareegatay markii la doortay madaxweynaha Puntland  ” ayuu yidhi mas’uul ka tirsan madaxtooyada Puntland.

 

201817636509102479027154IMG_9700-740x523 201817636509102784950005IMG_9704-740x541

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu kulamo la qaadan doono madaxda Puntland kuwooda ugu sareeya oo ay ku jiraaan odayaasha dhaqanka ,isla markaana intooda badan diiradda lagu saari doono xaaladaha dalka iyo wada shaqaynta labada dhinac in  ay kororto.

Ugu danbayn, imaanshaha madaxweynaha Soomaaliya  ee Puntland ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ,tani iyo markii uu ku soo biiray siyaasad-da Somalia ,iyadoo qaar kamid ah siyaasiyiinta gobolka ay ku eedayn jireen madaxweynaha in aanu xidhiidh wanaagsan la lahayn madaxdii soo martay Puntland.

COMMENTS
LINKS