|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Soomaaliya Oo Maanta Ku Wajahan Magaalada Addis Ababa Ee Dalka Itoobiya
January 27, 2018 - Written by Reporter:Muqdisho (W,N) – Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gelinka dambe ee maanta u soc daalaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika oo dhamaadka bishan ka dhacaya magaalada Addis Ababa. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu sidoo kale ka qeyb geli doono shir gaar ah oo ay leeyihiin Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayo arrimaha Koofurta Sudan. Ka qeyb galekiisa shir madaxeedka Midowga Africa ayaa ah kii u horeeyay, tan iyo markii uu la wareegay xukunka sanadkii hore. Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ee Addis Ababa ayaa ah kii saddexaad, tan iyo markii sanadkii hore uu ku guuleystay xilka Madaxweynaha. Related posts:DAAWO: Wasiiru Dawlaha Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo ka Hadlay Colaadda Ka Soo Cusboonaatay Ceel... Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani Oo Guluf Culus ku Qaadey Gobolka Gabiley iyo Ololaha Suxulaha ah Ee ... DAAWO;-Wasiirka Isgaadhsiinta jsl Oo Komishanka Doorashooyinka Ugu Baaqay In Ay Mudada Kaadh Qaadash... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|