|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Soomaaliya Oo Maanta Ku Wajahan Magaalada Addis Ababa Ee Dalka Itoobiya
January 27, 2018 - Written by Reporter:Muqdisho (W,N) – Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gelinka dambe ee maanta u soc daalaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika oo dhamaadka bishan ka dhacaya magaalada Addis Ababa. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu sidoo kale ka qeyb geli doono shir gaar ah oo ay leeyihiin Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayo arrimaha Koofurta Sudan. Ka qeyb galekiisa shir madaxeedka Midowga Africa ayaa ah kii u horeeyay, tan iyo markii uu la wareegay xukunka sanadkii hore. Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ee Addis Ababa ayaa ah kii saddexaad, tan iyo markii sanadkii hore uu ku guuleystay xilka Madaxweynaha. Related posts:Wasiir Sacad Cali Shire oo Bandhigay Sababaha Hor Taagan Inay Kulmaan Madaxweynaha Somaliland iyo Ra... Hay’adda Qurbajoogga Somaliland Oo Jaalliyadaha JSL Ugu Baaqday Qabashada Xus Qarameedka 58aad Ee 26... Siyaasi Ismaaciil Buubaa Oo Soo Bandhigay Sida Ugu Fudud Ee Xal Looga Gaadhi Karo Saami Qaybsiga Iy... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|