|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Wareegto Kusoo Saaray Xeer-Nidaamiyaha, Dhismaha Wasaaradaha Iyo Hay’adaha Gaarka ah Ee Xukuumadda,
January 3, 2018 - Written by Editor:War-saxaafadeed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xeer madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/XM/249-11/012018 uu ka soo saaray Xeer-Nidaamiyaha, Dhismaha Wasaaradaha Iyo Hay’adaha gaarka ah ee Xukuumadda, kaasoo qeexaya
Madaxweynuhu: Markaan Arkay; Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 104 faqradiisa 1aad ee Xeerka Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan Xeer Lr.71/2015, oo dhigaya in dhismaha wasaaradaha, habka iyo hannaankooda xil-gudasho, uu Xeer Madaxweyne ku soo saarayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland; Markaan Arkay; Qodobka 18aad ee Xeer Lr.71/2015 oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo isticmaalaya awoodihiisa xeereed uu u qoondaynayo xukuumadda iyo laameheeda shaqooyinka; Markaan Ku Qancay; Muhiimada ay leedahay in xilalka laysu raaciyo hab la maamuli karo, si looga hortago habaca iyo kala daadsanaanta shaqada, iyo is-dul-fuulka xilalka iyo waajibaadyada haya’daha xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 18aad, farqadihiisa 2aad, 3aad iyo 4aad ee Xeer Lr.71/2015; Markaan Go’aansaday; In ay xukuumaddu yeelato wasaaradaha lagama maarmaanka u ah xil gudashadooda, iyada oo laga duulayo siyaasadda guud ee xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 26aad ee Xeer Lr.71/2015; Waxaan Soo-saaray Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumadda ee Xeer Nidaamiye Lr. 01/2018. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Related posts:DAAWO;- Ururka Midowga Afrika Awood Ma U Leeyahay Fulinta Howshiisa Iyo Go,Aamada Uu Gaadho? Dood. Maayarka Caasimada Hargeysa Oo Dhagax-Dhigay Boqolaal Guri Oo Loo Dhisayo Barakacayaal, Iyo Bilowga ... Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Qorshaynta Jsl Oo Sharaxay Muhiimada Uu Bulshada Somaliland Uleeyahay M... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|