|
|||||
WAJAALE NEWS
“Khilaafka U dhexeeya Somaliland Iyo Somalia Maaha Muran Xadeed Ee Waa Khilaaf Siyaasi Ah” Cali Guray
January 13, 2018 - Written by Editor:WAAR TOLOW COLKA JOOJA! Khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Somalia maaha muran xadeeda ee waa khilaaf siyaasi ah Xalkiisuna uu yahay xal siyaasi ah. Puntland oo maamul-goboleed Somaliya ka tirsan ah iyo Somaliland khilaaf gaar ah oo ka duwan khilaafka siyaasiga ee Somaliland iyo Somaliya hadii uu jiro waxa loo baahan yahay in si cad loo qeexo oo la fahmo si dhinacyada uu khuseeyaa ay uga wada hadlaa. Marka aynu xaga khariidadda raacayno degaanka Tukeraq marka hore inu ka tirsan yahay Somaliland ma cid diidan baa jirta? Tukeraq waa dagaan ka tirsan Gobolka Sool ee Xaruntiisu ay tahay magaalada Laascaanood oo weliba degmo ahaana wuxu raacsan yahay Degmada Laascaanood. Dawladda Somaliland maamulkeeda gobolada bariga kuma fidiso xoog ciidan oo caado uma aha oo waynu ognahay in Buuhoodle oo gobolka Togdheer ah aanu ka jirin sababtuna maaha wax kale ee waa khilaaf gudaha Somaliland uun ah oo dadka degaanka iyo dawladdu wadahadal ku dhamaysan karaan, Inta ka horaysana Buuhoodle dawlad kale kama taliso ee gacanta dadka degaanka ayay ku jirtaa, kolba magaca ay doonaan ha sheegtaane. Sidaas oo kale waxa ah Sanaag Bari inta badan. Tukeraq maaha markii ugu horeysay ee Ciidanka Qaranka Somaliland uu gaadhay ee wuu gaadhi jiray laakin kuma negaan jirin cid ku soo weerari jirtay oo ka kicin jirtayna ma jirin ee duruufo gaar ah oo degaanka ka jiray ayuun bay Somaliland tixgelin gaar ah siin jirtay. Maanta xaaladda Gobolka Sool guud ahaan waynu ognahay waxa iska bedelay oo sedexdii degmo ee Laascaanood, iyo Xudun, iyo Taleexba waxa gaadhay maamulkii Somaliland dadka ku nool degaanka Tukeraq laftoodu waxay dabcan la mawqif yihiin dadka sedexdaa degmo ku nool oo iyagu mar hore dantooda u arkay inay isugu luga duwadaan halkii ay rasmi ahaan ka soo jeedeen xaga taariikhda siyaasadda wax kale oo la isku hayaana ma jirto ee waa siyaasad hadii mustaqbalka Somaliland iyo Somaliya ay dawlad keliya noqonayaan iyo hadii ay laba dowladood kala ahaanayaaba. Intii aanu Ciidanka Qaranku hore ugu ruqaansanin Tukeraq ayaa waxa jirtay ciidamo ka soo gudbay xadka oo dhinaca Somaliland, gaar ahaan degaanka Tukeraq soo gaadhay xili uu Madaxwaynaha Somalia ku sugnaa magaalada Garoowe ciidamadaasi oo aan la fahmin ujeedadooda Maamulka Puntland laftiisuna aanu wax faahfaahin ah ka bixini, taas oo dabcan dareen shaki ka abuurtay dhinaca Somaliland kuna qasabtay in Ciidanka Qaranku xaaladda nabadgelyada Tukeraq ay gacanta ku dhigaan. Sidaa ayay horta gacan ku haynta Tukeraq kula wareegtay Somaliland oo laga yaabo markii horeba inu jiray ku talogal sidii maamulka Somaliland loo gaadhsiin lahaa xadka ay la leedahay Somaliya wakhtiga ugu haboon ee suurogal ay noqoto. Hadaba abaabulka la sheegay iyo ciidamada maamulka Puntland ay ku soo ururinayaan uma arko mid loo baahan yahay wax aan khasaare ahaynna kama faaiidi doonaan hadii sida la sheegayo ay weerar ku soo qaadaan Ciidamada jiidaha hore ee Somaliland oo iyagu dhamaantood ku sugan gudaha xadka Somaliland. Markaa Puntland waxan kula talin lahaa WAAR TOLOW COLKA JOOJA. Halka aan Dawladda Somalilandna odhan lahaa ciidan milatari ah uun ha ku ekaanina eh siyaasiyiin, odayaal, iyo waxgarad ka soo jeeda degaanada colaadda laga aloosayo arinka ku darsada inay goobta gaadhan dadka degaanka Tukeraqna xabbad uun ha u dirina eh baahidooda wax kala qabta oo u dhaama cid kastaba si kalsooni, is faham iyo wada shaqayn ay ugu dhiirigeliso
Wa bilaahi Tawfiiq Cali Gurey Related posts:Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Oo Si Faafaahsan Uga Waramey Shir Heer Caalami ah Oo Somali... Wasiirkii Hore Arimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi oo ka Hadlay Wararka Sheegaya In Uu... Afhayeenka Madaxwaynaha Jsl Oo Tahli Kari Waayay In Uu Jawaab Ka Bixiyo, Cida Bixisay Amarka Lagu Xi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|