|
|||||
WAJAALE NEWS
ILAAQ-BADAN: Sheeko Xiiso Leh Oo Dhexmartay Gabadh Jeegaanta ah Iyo Wiil Giraanta ah;
January 20, 2018 - Written by Editor:Gabadh Jeegaanta ah Iyo Wiil Giraanta ah Oo Haasaawe ka dhexeeyey ayay Sheekadani dhex Martay. Qalinkii Abwaan Sakariye Awaare Waxay tidhi:Waayadan jacaylkii Jeenigaad ku laaddoo Haddaan juuq idhaahdana Cadhaad ii jiq noqotoo Jawigaagu waa siye Maxaad jaalle diiddaan Kaa jaahil saaraa?. Wuxuu yidhi:Inanyahay Jacaylkii Iyo caashaqii jiray Uma jeedo aniguye Dawlad jeeb la galiyoo Jees ba jees u dhiibtiyo Hagbbad jaahwareertaan Soo jihaynayaayoo, Inu Waddanku sii jiro Ama aanu sii jirin Ayaan kala dhex joogaa Waan soo jawaabiye Aan jaanis kaa helo.
Waxay Tidhi:
Qaali Jiidda hawdkiyo Jarar iyo Safeeriya Kuma jeel baxaayoo, Jidiinkayga Qamandidu Sii jiidhi maysoo, Jirkaan dhaansan maayoo, Jiilaalki tegay baa Jiidh culus i korayoo, Kabahay jaraayoo, Waan jidiin-qalalayaa, Jabhadaynta naga daa, Jihaadkaagu Muusuu Jallaafaynayaayoo, Jidadkaa burburayee, Ha janjeedhsanaatee, Ha jirtoo ha joogtee, Hagbbaddani ha joogtee, Laba jilib ha moodine, Waa Qaran la jecelyee Dawladda la jaanqaad Jeegaanta soo raac Jago aan ku gaynnee. Wuxuu Yidhi:Waxba hay jujuubine Jaariyad ma noqon karo Jeegaantu wadatoo Jago deeqa helayoo Jabka lagu qurxinayoo Jawaab-daar ka weyniye, Dawladnnimo la jilayiyo Hagbbad jar iska xoor ahi Igu joogsan maysee, Abidkeen dhul lagu jabay Waynu soo dhex joognnee, Jeegaantaan ogaayoo Jinsi gacal ahaadiyo Jifo hoose laga dhigay Jaah Qaranna lagu dilay Ku jihaada mooyee Ma jawaab kalaa furan. Waxay tidhi:Jaraa’idku wuxuu qoray Jeegaanta muusaa Kaa soo afjarayoo, Dulmi weyni ma jiree, Jaaniskiisan oo qudha Jidka Ceeriggaabiyo Webiyaal ha jeexee, Ha ka jiidhin ee daa’. Malaa dee Jamaamiyo Meel kalaad u jeeddaa, Ololuhu markuu jiray Muusaa ba odhan jiray Jawhar baad u socotaan, Jaalle nabadda uun eeg Jeelka yay ku gaynnine………. ….. La Soco. Q 2-aad. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|